Wararka Soomaalida

Puntland oo shuruud ka dhigtay in la aqoonsado Axmed Madoobe

Published

on

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa qaadhacay Shirka Madasha iskaashiga Soomaaliya ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho wuxuuna shuruud kaga dhigay ka qaybgalkooda Shirka in dowladda federaalka Soomaaliya aqoonsato Axmed Madoobe oo ka mid ah Siyaasiyiinta lagu doortay magaalada Kismaayo 25 kii bishii August.

Iyadoo dhamaan maamulada shant ah ee hoose yimaada dowladda federaalka Soomaaliya lagu casuumay shirkan ayaa waxaa maamulka Jubbaland laga reebay casuumaada Axmed Madoobe iyadoo bedelkiisa shirka lagu casuumay wasiirkiisa maaliyadda inkastoo asna diiday inuu ka soo qaybgalo shirka madasha Iskaashiga Soomaaliya.

War saxaafadeedyo ka soo kala baxay Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa lagu qaadhacay Shirkaasi maanta ka furmay magaalada Muqdisho iyadoo war Saxaafadeedyada lagu lifaaqay shuruud ah in dowladda federaalka Soomaaliya ay aqoonsato Axmed Maxamed Axmed Madoobe haddii la doonayo labadan maamul inay qayb ka ahaadaan shirka Muqdisho haddii kale sidaas ugu maqnaanayaan shirka.

Maamulada ka qaybgalay ayaa waxaa ka mid ah Hirshabelle Koonfur Galbeed iyo Galmudug Madaxdooda waxayna halkaas ku soo bandhigi doonaan baahiyahooda iyo waxqabadkooda dhanka maamulada ay madaxda ka yihiin.

Shirkan ayaa waxaa looga hadlayaa amniga dhaqaalaha iyo siyaasada midda doorashada ee 2022 ee lagu wado inay ka qabsoonto Soomaaliya waxaana ka qaybgalaya inkabadan 50 dowladood oo caalamka daafihiisa kala duwan iskiiga kala yimid iyadoo shirkan uu yahay markii ugu horaysay oo lagu qabto Muqdisho.

Trending

Exit mobile version