Wararka Soomaalida
Putin oo Africa ka cafiyay deyn gaaraysa $20 Milyan
Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay in Ruushka uu ka cafiyay Africa lacag deyn ah oo Ruushka uu kulahaa Africa oo gaaraysa $20 Milyan si looga baxo Saboolnimada ka jirta Africa.
Hadalkan ayaa Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu ka jidiyay khudbad maanta uu ka jeediyay Shirka iskaashiga Africa iyo Ruushka ee ka socda magaalada Sochi ee dalka Ruushka.
Dalalka afrika ee laga cafiyey deynta uu ku lahaa Ruushka ayaa waxaa ka mid ah Somalia oo Ruushku ku lahaa lacag gaareysa $600 oo Milyan sida laga xigtay ilo diblomaasiyadeed oo lagu kalsoon yahay.
Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa ka mid ah madaxda dalalka Afrika ee ka qeyb galaya shirka madaxa Afrika iyo Ruushka ee ka socda magaalada Sochi.
Arintan ayaa ku soo aadeysa xili dowlada Somalia ay dedaal xoog leh ugu jirto sidii looga cafin lahaa deyn gaareysa $5 bilyan oo dibeda looga leeyahay taasoo inteeda badan la qaaday xiligii ay dalka ka talineysay dowladii Kacaanka.