Wararka Soomaalida

Qaabilaadii iyo booqashadii Madaxweynaha Puntland oo si KMG ah loo hakiyey

War-Saxaafadeed maanta ka soo baxay Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in si KMG ah loo hakiyey qaabilaadii iyo booqashooyinkii Madaxweynaha Maamulkaas Siciid Cabdulaai Deni ee Madaxtooyada Maamulkaas. War murtiyeedkan ayaa waxaa lagu ogaysiiyey dhamaan Wasiirada,Wasiir ku xigeenada,Xildhibaanada,Saraakiisha iyo Odayaasha dhaqanka in si KMG ah loo hakiyey howlihii Madaxweynaha Maamulka Puntland ee Madaxtooyada laga […]

Published

on

War-Saxaafadeed maanta ka soo baxay Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in si KMG ah loo hakiyey qaabilaadii iyo booqashooyinkii Madaxweynaha Maamulkaas Siciid Cabdulaai Deni ee Madaxtooyada Maamulkaas.

War murtiyeedkan ayaa waxaa lagu ogaysiiyey dhamaan Wasiirada,Wasiir ku xigeenada,Xildhibaanada,Saraakiisha iyo Odayaasha dhaqanka in si KMG ah loo hakiyey howlihii Madaxweynaha Maamulka Puntland ee Madaxtooyada laga bilaabo Taarkhda 5-2-2019ka duruufo soo kordhay awgeed.

Laguma faa-faahinin war saxaafadeedka duruufahaas laakiin waxay ubadan tahay Magacaabista Golaha Wasiirada oo muddooyinkaanba Madaxweyne Siciid Deni culeys ka haystay.

Hoos ka akhriso

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version