Wararka Soomaalida

Qaar ka mid ah Ciidanka xoogga oo ku geeriyooday Hotel SYL

Published

on

Dagaalka wali ka socda gudaha hotelka SYL ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen qaar ka mid ah Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kuwa amniga ee gudaha hotelka kula dagaalamaya kooxda Al shabaab.

Labo ka mid ah Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ee bilowgii weerarka ka mid ahaa askartii shacabka iyo mas’uuliyiinta ka soo badbaadiyay halista Maleeshiyada Al shabaab ayaa hadda ku geeriyooday dagaalka tooska ah ee ka socda gudaha SYL.

Liibaan Nuur Cali iyo askar la socotay ayaa waxay kamid ahaayeen ciidankii ka soo badbaadiyay khatarta ka jirta hotelka SYL ku dhowaad 150 ruux oo isugu jira shacab iyo Mas’uuliyiin gudaha hotel SYL ku xayirmay sida Wargeyska Tusmotimes u xaqiijiyay goor dhow mid ka mid ah saraakiisha Ciidanka dagaalka kula jira kooxda Al shabaab.

Liibaan Nuur Cali Alaha u naxariistee ayaa wuxuu ku qornaa askartii caawa loo xulay badbadinta shacabka iyo Mas’uuliyiintii ku go’doonsana gudaha hotel SYL ee Magaalada Muqdisho markii uu soo badbaadiyay oo banaanka uu ku soo hubsaday shacabkii iyo mas’uuliyiintii loo xil saaray badbaadadooda ka dib asaga iyo askar kale waxay dib ugu laabteen dhismaha hotelka si ay u baadi goobaan bal haddii ay jiraan shacab iyo mas’uuliyiin kale oo ku go’doonsan gudaha hotelka balse tii rabi oo ku timid awgeed waxaa meel sare ka soo toogtay Maleeshiyada wali haysata dhismaha hotelka SYL.

Sidoo kale waxaa weerarkaas asna daqiiqad ka dib ku geeriyooday Allaha uraxmadee Maxamuud Ismaaciil Warsame (Muuf) oo ka mid ahaa ciidankii wax ka soo badbaadiyay shacabkii iyo mas’uuliyiintii tiradooda guud lagu sheegay inay gaareyaso 150 qof ee caawa weerarka ka dib ku xayirmay gudaha hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Maxamuud Ismaaciil Warsame (Muuf) iyo Liibaan Nuur Cali ee caawa badbaadada shacabkooda ushahiiday ayaa waxay ka tirsanaayeen Ururka 60-aad ee xoogga dalka waxayna ku naf waayeen iyagoo badbaadinaya shacabkooda iyo madaxdooda ee ay udhaarteen inay udhimanayaan ama udhaawacmayaan.

Trending

Exit mobile version