Wararka Soomaalida
dadkii doonta la rogmatay oo qaar kood la helay
Ka dib markii shalay mas’uuliyiin doon nooca yaryarka ah kula rogmatay wabiga shabeele inta udhaxaysa degmada Beledweyne iyo deegaanka Ceel-Jaale ee gobolka Hiiraan ayaa maanta qaar ka mid ah dadkaasi meydadkooda waxaa laga lahelay biyaha Wabiga iyagoo dul sabaynaya.
Dadka meydadkooda maanta la helay ayaa waxaa nolol iyo geeriba la raadinayay 24 saac ee la soo dhaafay waxaana laga helay meel aan sidaas uga dheereen meeshii shalay doonta ku bur burtay.
Dadka meydadkooda la helay ayaa waxaa ka mid ah.
1-Sharmaarke Khaliif oo ka mid ahaa maamulka degmada Baardheere.
2-Deeqow Cabdi Cariif oo ka mid ahaa shaqaalaha dowlada hoose ee maamulka degmada Baledweyne
3-Shariif Xasan oo ka mid ahaa Ganacsatada magaalada Beledweyne.
4-iyo Gudoomiyihii Ururka dhalinyarada degmada Shibis ee Muqdisho oo bil fasax ah ku joogay magaalada Beledweyne.
ilaa xalay waxaa socday baadi goobka dadkaas iyo kuwa kale oo wali aan la helin nolol iyo geeri waxaana dadka maqan ka mid ah Dahabo Xasan Axmed oo ahayd la taliyahii dhanka arrimaha haweenka ee Madaxweynaha HirShabelle inkastoo lagu tirinayo inaysan noolayn haddana ilaa hadda cidna meel kuma sheegi karto.
Dhanka kale waxaa galabta magaalada Baledweyne gaaray Madaxweynaha maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare iyo mas’suuliyiin maamulka ka tirsan.
Hoos u dhac aan sidaas u badneyn ayaa la sheegayaa in hadda dareemayo biyahii daadka ee aadka u badnaa ee magaalada kusoo rogmada waxaa kaloo laga cabsi qabaa inay da’aan roobab kale oo xaalada ka taagan Beledweyne uga sii dari karto.
Dad ka badan 300,000 oo kun ayaa lagu soo waramayaa inay ka barakaceen magaalada Beledweyne ka dib markii magaalada ay saameysay fatahaada webiga Shabelle waxaana xaafadaha qaarkood biyaha ka sara mareen joog dhan illaa 3 Mitir sida wararka aan helnay ay sheegayaan.