Wararka Soomaalida

Qaar ka mid ah dhaawacyadii Gaalkacyo oo la soo gaarsiiyay Muqdisho

Published

on

Ka dib markii xalay fiidkii weerar is qarxin ah lagu qaaday Hotelka Global ee ku yaala magaalada Gaalkacyo dhankeeda koofureed ayaa waxaa ku dhaawacmay dad kor udhaafaya 25 ruux sida wararka qaar ay sheegayaan halka dhimashadana ay marayso 15 qof.

Dadka ku dhintay weerarkaas iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa la xaqiijiyay inay ubadan yihiin shacabka ku nool magaalada Gaalkacyo dhinaceeda koofureed ee hotelka Global ee weerarka lagu qaaday uu ku yaalo isla markaana ay ku jiraan ciidankii ilaalada ka hayay hotelka.

Haddaba galabta ayaa magaalada Muqdisho waxaa la soo gaarsiiyay qaar ka mid ah dhaawacyadii xalay iyagoo iskuuga jira askar iyo dad shacab ah in kastoo ay u badan yihiin dhaawacyadan hadda la keenay Magaalada Muqdisho dadka shacabka ah.

Dhaawacyadan laga keenay magaalada Gaalkacyo ayaa durbadiiba waxaa la dhigay Isbitaalada Digfeer ,Madiina,Shaafi iyo Daarul-shifa ee magaalada Muqdisho waxaana lagu soo waramayaa in lagu bilaabay xaaladihii caafimaad ee loo keenay Muqdisho.

Dadkan qaba dhaawacyada ee galabta la keenay Magaalada Muqdisho ayaa waxay ubadan yihiin dhaawacyada culus sida kuwo jirkooda gubtay,bur bur lafaha ah kuwo qaba iyo dhaawacyo kale oo aad udaran.

Dhaawacyadan ayaa waxaa diyaarad looga soo qaaday magaalada Gaalkacyo ka dib markii dowladda federaalka Soomaaliya udirtay diyaarad gurmad ah si loo soo qaado inta xaaladooda liidato.

Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Hotel Global ee magaalada Gaalkacyo ayna ku dhinteen dadbadan oo shacab ah iyo dhaawacyo kor udhaafaya 25 kale ayaa mas’uuliyada qaraxaasi waxaa sheegtay oo waliba ku faanay Maleeshiyada Al shabaab.

Trending

Exit mobile version