Wararka Soomaalida
Qaraxyo xooggan iyo rasaas oo wali laga maqlayo Hotel SYL
Qaraxyo aad u xooggan iyo rasaas ayaa wali waxaa laga maqlayaa gudaha hotelka SYL ee Al shabaab caawa weerarka ay ku soo qaadeen iyadoo Ciidamada amniga gaar ahaan kuwa sida gaarka ah utababaran iyo Maleeshiyada Al shabaab dagaal fool ka fool ah uu ku dhaxmarayo gudaha hotel SYL.
Ciidamada sida gaarka ah utababaran ee Alpha Group ayaa gudaha ugu daatay kooxda Al shabaab ee gudaha ugal Hotelka waxaana halkaas ku dhaxmaraya dagaal xooggan oo la isku adeegsanayo Bam gacmeed iyo rasaas toos ah iyadoo Ciidamada Alpha Group ku dadaalayaan inay soo afjaraan weerarka hotelka.
Weerarkan caawa Al shabaab ay ku soo qaadeen hotelka SYL ayaa wuxuu sababay khasaaro naf iyo maalba leh in kastoo ilaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada dhimashada iyo mida dhaawac ee soo gaaray dadkii shacabka ahaa ee ku sugnaa hotelka iyo sidoo kale mas’uuliyiintii dowladda federaalka Soomaaliya ee is kuugajiray Xildhibaano iyo wasiiro ee qaarna Hotelka deganaa qaarna ka cuntaynayay sida xaalkooda uu yahay.
Bilowgii weerarkaas ayaa Ciidamada amniga waxay ka soo badbaadiyeen khtartaas dagaal 150 qof oo shacab iyo mas’uuliyiin intuba iskuugajira iyadoo la sheegayo in shacabka qaar ka mid ah iyo mas’uuliyiinta dowladda qaarkood la soo badbaadiyay iyagoo dhaawacyo fudud qaba halka qaarna ayba ku dhinteen.
Mas’uuliyiinta weerarkan lagu dilay ee la xaqiijiyay ayaa waxaa ka mid ah Cabdiqaadir Cumar Cabdi oo garsoore racfaan ka ahaa Maxkamadda gobolka Banaadir.