Wararka Soomaalida

QM oo warbixin ku cabiray Qaraxyada iyo awoodda Al shabaab

Warbixin maanta ka soo baxday Gudi khubaro ah oo ka tirsan xafiiska QM ayaa waxay warbixin ka sameeyeen Qaraxyada iyo awooda Al shabaab ee sanadihii dambe la soo baxeen ka dib markii dhinacyo badan ka xog wareysteen Gudigan qaabka ay ku helaan Aaladda qaraxyada laga sameeyo iyo sida ay ku soo gaaraan. Gudiga Khubarada ah […]

Published

on

Warbixin maanta ka soo baxday Gudi khubaro ah oo ka tirsan xafiiska QM ayaa waxay warbixin ka sameeyeen Qaraxyada iyo awooda Al shabaab ee sanadihii dambe la soo baxeen ka dib markii dhinacyo badan ka xog wareysteen Gudigan qaabka ay ku helaan Aaladda qaraxyada laga sameeyo iyo sida ay ku soo gaaraan.

Gudiga Khubarada ah ee QM ayaa warbixintooda ku cabiray in kooxda Al shabaab sanadihii dambe la soo baxeen dar-dar xoog leh oo ku aadan weerarada iyo Qaraxyada ay ka fuliyaan Magaalooyinka dalka Soomaaliya gaar ahaan meelaha ay ka howlgalaan Ciidmada Midowga AFRICA ee AMISOM, kuwa dowladda federaalka Soomaaliya iyo xafiisyada hay’adaha Dowladda Soomaaliya.

Waaxdan QM ka tirsan ee qiimaynta ku samaysay awooda Al shabaab iyo Qaraxyada sida ay ku helaan ayaa warbixintooda ku sheegay in kooxda Al shabaab hadda ay marayaan heer iyagu gacmahooda ku samaystaan Aaladaha Qaraxa iyagoo Gudiga intaas warkooda ku daray in Al shabaab hadda awood uheleen in Miinooyinka ku samaystaan Guryaha dhaxdooda iyadoo cidna ugu baahnayn in loo sameeyo ka dib markii ay barteen sida loo sameeyo Aaladaha Qaraxa laga sameeyo.

Gudiga khubarada QM ayaa warbixintooda ku yiri “Markii ugu horreysay taariikhda cabir lagu sameeyey sheybaar ayaa tilmaamay in is-beddel weyn uu ku yimid habkii ay Shabaab u sameyn jireen Miinooyinka waxay ka gudbeen inay isku haleeyaan miinooyinka militariga waxayna u wareegeen kuwa lagu sameeyo guryaha dhaxdooda”ayaa lagu yiri warbixinta guddiga khuburada ee QM.

Sidoo kale khubarada ayaa yiri “Akhbaaraadka aan helnay ayaa inoo sheegay in xiriir weyn oo ka dhaxeeyo Al shabaab iyo koox aan weli magcyadooda helin kuwaasoo horumarka ay Al-Shabaab ka gaareen in qaraxyada ku sameystaan gacmahooda iyo sare u kaca dhowaan ku yimid ee dhinaca qaraxyada waa weyn ah ee Muqdisho ay ka gaystaan inay ka barteen kooxdaas magaceeda aan ku howlan-nahay”ayaa ka mid ahaa warbixinta Khubarada QM.

Cilmi baaristan ay sameeyeen guddiga QM ayaa waxay saldhig ugu dhigeen 20 qarax oo waa weyn kana dhacay Muqdisho sida bishii July ee sanadkii hore 2018kii.

Warbixintan maanta ka soo baxday Gudiga QM laguma sheegin magacyada Saraakiisha samaysay cabiraada,awooda iyo Qarax samaysashada Al shabaab ay la soo baxeen hase yeeshee document-ga guddiga ayaa waxaa ka muuqda oo lagu xusay warbixinta hay’adda minooyinka uqaabilsan QM ee U.N. Mine Action Service, hay’adda FBI-da Mareykanka iyo hay’ado kale oo caalami ah.

Gudiga oo sii wata warbixintooda Al-Shabaab ayaa sheegay in markii hore isku haleyn jireen Al shabaab miinooyinka milatari ka dibna dib u farsameeya miinooyinka iyo hoobiyayaasha ay ka qabsdaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM balse hadda ay ka gudbeen iyagoo gaaray heer ay si buuxda iyagu sameystaan qaraxyada iyadoo ay ku tusinayso inay sare u qaadeen Al shabaab awoodooda weerarada Muqdisho ka gaystaan iyadoo gudiga tusaale usoo qaatay weerarkii dhimashada badan dhaliyey ee 14 October 2017 ka gaysteen isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Warbixinta Gudiga QM ayaa lagu faafaahiyey Maadooyinka Al shabaab ay ka sameeyaan waxyaabaha Qaraxay sida iyagoo isku dar-dara kiimikooyinka nitroglycerine oo lagu qasay ammonium nitrate ama potassium nitrate iyo dhuxusha waxaana lagu soo geba-gabeeyey warbixinta Gudiga Khubarada QM in farsamadan cusub ee Al-Shabaab ay bilaabeen ay tahay mid adkeyn doonto in hortago ama la xakameeyo sida lagu xusay warbixinta Gudiga Khubarada ee QM.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version