Wararka Soomaalida
Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska oo cambaareeyay qaraxii Muqdisho
Ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska Boris Johnson ayaa si kulul ucabaareeyay weerarkii is qarxinta ahaa ee shalay ka dhacay hoolka shirarka ee maamulka Gobolka Banaadir ka dib markii halkaas sida la sheegay ay isku qaraxisay haweenay qaab farsamo ah ku soo gashay xarunta maamulka Gobolka Banaadir xili halkaas uu ka socday shir ay lahaayeen Gudoomiyaha Gobolka […]
Ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriiska Boris Johnson ayaa si kulul ucabaareeyay weerarkii is qarxinta ahaa ee shalay ka dhacay hoolka shirarka ee maamulka Gobolka Banaadir ka dib markii halkaas sida la sheegay ay isku qaraxisay haweenay qaab farsamo ah ku soo gashay xarunta maamulka Gobolka Banaadir xili halkaas uu ka socday shir ay lahaayeen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Injineer Yariisow iyo Gudoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.
Boris Johnson Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Ingiriiska oo la hadlay warbaahinta Ingiriiska ayaa wax laga naxo ku tilmaamay markii uu maqlay in qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay xarunta dowladda hoose ee xamar ee amaankeeda sida aadka ah loo ilaaliyo wuxuuna sheegay Boris Johnson in Al shabaab ay yihiin koox aan rabin in dalka Soomaaliya uu ku soo laabto nidaam dowli ah iyo deganaasho.
Johnson ayaa si gaar ah udul istaagay shaqsiyada inta uu ka maqlay ama uu ka yaqaano Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Injineer Yariisow wuxuuna ku sifeeyay shaqsi halyay ah,howl kar ah oo aan daalin aadna ugu naxay dhaawaca ka soo gaaray qaraxa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.
Boris Johnson ayaa waxaa uu sheegay in madaxda iyo shacabka UK ay ka xun yihiin wixii ka dhacay Muqdisho islamarkaana ay cabaaraynayaan falkaas aragixiso ee shalay ka dhacay hoolka shirarka ee dowladda hoose.
“Aadbaan ugu naxay weerarkaas ka dhacay xarunta dowladda hoose ee xamar islamarkaana ay ku dhinteen qaar ka mid ah Gudoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyadoo qaar kalana ay dhaawac yihiin waa fal aragixiso oo ah mid aad u xun waxaan ka sii naxay markii la,iisheegay in Injineer Yariisow Gudoomiyaha Gobolka Banaadir dhaawac culus uu ka soo gaaaray weerarkaas haddii aan nahay dowladda UK waa camaaraynaynaa”ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Ingiriiska Boris Johnson.
Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Ingiriiska Boris Johnson ayaa utacsiyadeeyay dhamaan ehelada iyo saaxiibada mas,uuliyiintii ku geeriyooday weerarkaas ee shalay oo Arbaco ahayd ka dhacay xarunta Fiisha,kuweerno ee Magaalada Muqdisho.
Boris Johnson ayaa mas,uuliyiinta ku dhaawacmay weerarkaas ismiidaaminta ah urajeeyay in Caafimaad taam ah ay helaan kana bogsoodaan dhaawacyada weerarka ka soo gaaray.