Wararka Soomaalida

Ra’iisul wasaaraha oo beesha caalamka baaq udiray

Published

on

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa beesha caalamka ugu baaqay in si deg deg ah ay uga qayb qaataan dadaallada naf-badbaadinta leh ee loogu gurmanayo qoysaska ku nool deegaannada fatahaadaha ay ku dhufteen ee dalka islamarkaana dhibaatooyin badan ay ka geysteen.

Xasan Cali Khayre oo warqad u diray dhamaan dowladaha saaxiibka la,ah Soomaaliya iyo hey’adaha caalamiga ah ayaa sheegay in dowladda ay bixisay jawaab deg deg ah si looga hor tago in xaaladdu kasii darto hase yeeshee xaaladda hadda taagan ay u baahantahay in si wadajir ah leesaga kaashado maadaama ay jirto dhibaato aad u ballaaran.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u caddeeyay beesha caalamka in daadadka ay saameeyeen deegaaano ka tirsan Jubaland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed qiyaastiina ay gaareyso 85% dhibaatada ku dhacday bulshadii magaalada Beledweyne ee ay ku fataheen biyaha Wabiga ayna sababeen dhimasho, barakac baahsan, burburna ugeystay kaabayaal dhaqaale ugana sii dareen xaaladii bini’aadninimo ee horay u taagnaa lagana cabsiqabo in maalmahaan roobabku sii socodaan biyaha wabigana ay sii sare maraan arintaas oo sababeysa daadad dheeraad ah oo dhibaato horleh keeni kara.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in hadii si dhaqsa ah aan ficil loo qaadin xaalad kasii dari karto wuxuuna sidoo kale beesha caalamka ugu baaqay inay maal geliyaan xalka waara ee mustaqbalka si looga gaashaanto dhibaatooyin nuucaan oo kale ah inaysan dalka ku soo laabanin.

Trending

Exit mobile version