Wararka Soomaalida
Ra’iisul wasaaraha oo Dooxa kula kulmay Ra’iisul wasaaraha Qatar
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa kula kulmay Ra’iisul wasaaraha dalka Qatar Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani iyagoo labada Ra’iisul wasaare ka wada hadalay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Qatar.
Ra’iisul wasaaraha Qatar ahna wasiirka arrimaha gudaha oo bogaadiyay guulaha dowladda Soomaaliya ay ka gaartay dib-u-habeynta kaabiyaasha dhaqaalaha iyo isku dubba ridka Ciidanka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Qatar ay ka go’antahay adkayna xariirka soo jireenka ah ee labada dawladood ka dhaxeeya.
Kulanka uu Ra’iisul Wasaare Khayre la qaatay Ra’iisul wasaaraha Qatar ayaa qayb ka ah kulamo doceedyada uu la qaadanayo qaar kamid ah madaxda ka qayb geleysa madasha Dooxa FORUM.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo maanta ka qayb galay furitaanka Madasha 19-aad ee Dooxa FORUM ayaa maalinta beri ah khudbad ka jeedin doona madasha Dooxa FORUM oo sannadkan looga hadlayo ajandayaal muhiim ah.