Wararka Soomaalida
Ra’iisul wasaaraha oo dardaaran ujeediyey Madaxda Garsoorka dalka
Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo kulan casho Sharif ah usameeyey Madaxda Garsoorka dalka ayaa ujeediyey hadal dardaaran ah kuna tacaluqay in ay ku shaqeeyaan Alla kacabsi,Cadaalad iyo hufnaan. Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu mahadceliyey Madaxda Garsoorka Dalka kulankii sanadlaha ee ay ku qabteen Magaalada Muqdisho isla markaana ay sii xoojiyaan kulamada noocaan ah. […]
Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo kulan casho Sharif ah usameeyey Madaxda Garsoorka dalka ayaa ujeediyey hadal dardaaran ah kuna tacaluqay in ay ku shaqeeyaan Alla kacabsi,Cadaalad iyo hufnaan.
Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu mahadceliyey Madaxda Garsoorka Dalka kulankii sanadlaha ee ay ku qabteen Magaalada Muqdisho isla markaana ay sii xoojiyaan kulamada noocaan ah.
Waxaa kaloo uu ka hadlay Ra’iisul wasaaraha,hagaajinta dhaqaalaha Dalka, yaraynta musuq-maasuqa, horumarinta Dowlad wanaagga, hirgelinta siyaasad lagu wada qanacsanyahay iyo aaminaadda Dunida ay ku xiranyihiin hirgelinta Garsoor iyo caddaalad loo simanyahay oo dadka Soomaaliyeed ay iimaan qabaan.
Mas,uuluyiinta ka qayb galay Casho Sharafta ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare Dr Baashe Yuusuf Axmed, xeer ilaaliyaha Qaranka Dr Axmed Cali Daahir, Garsoorayaasha Gobalka Banaadir iyo kuwa Dowlad Gobaleedyada ee hoos yimaada Dowladda federaalka Soomaaliya.
Kulankan uu usameeyey Madaxda Garsoorka Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa lagu sheegay in ujeedkiisa ugu muhiimsan uu ahaa dhiirrigelinta iyo dar-dar-gelinta qorshaha hagaajinta Garsoorka Soomaaliya.
Kulankan ayaa sidoo kale wuxuu imaanayaa iyadoo shalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya uu soo xiray kulankii muddada ugu socday Magaalada Muqdisho Garsoorka dalka.