Wararka Soomaalida

Ra’iisul wasaaraha oo kormeeray gargaar loo kala dirayay Gobolada

Published

on

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray xarunta Gurmadka fatahaadaha ee Soomaaliya oo ku taala Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho iyadoo xiligaas uu socday gurmad loo kala dirayay Gobolada Hiiraan,Baay iyo Gedo oo fatahaadaha Wabiyada Jubba iyo shabeele ay ku dhufteen.

Ra’iisul wasaaraha markii xaruntan uu booqanayay ayaa waxuuna la kulmay iyadoo howl-wadeennada Diyaarado gurmad ah u diraya magaalooyinka Baydhabo,Beledweyne iyo Baardheere.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa guddiga gurmadka fatahaadaha howsha adag ee ay hayaan ee isku duba ridka gargaarka loo dirayo deegaannada ay fatahaadaha saameeyeen ku amaanay sida hagar la,aanta leh ee ay shaqada uwadaan wuxuu gudiga ku dhiirageliyay inay sida hadda ay wax ku wadaan howsha ka sii laba jibaaraan.

Trending

Exit mobile version