Wararka Soomaalida

Ra’iisul wasaaraha oo Muqdisho ka daah furay shirwene Qaran

Published

on

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maanta daah furay shirweynaha qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa muujiyay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay mudnaan siinta dhalinyarada oo laf dhabar u ah horumarka bulshadda iyo ilaalinta qaranimada Soomaaliyeed.

Shir weynaha sedaxaad ee dhallinyarada ee Ra’iiusl Wasaaraha daah-furay oo ay ka qayb galeen boqolaal dhallinyaro ah ayaa socon doona ilaa 4 biahan Deseembar 2019 waxaana halkudhiggiisu yahay Milkiilayaasha dalku ma ogola musuq maasuq iyo xagjirnimo waxaana looga hadlayaa la dagaalanka musuq maasuqa,la dagaalanka xagjirnimada iyo ka qeyb galka dhalinyarada ee arrimaha Siyaasadda.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre kulanka hadal ka jeediyay ayaa cadeeyay in dowladda Soomaaliyeed ay ka go’antahay dagaalka ay kula jirto Argagaxisada iyo fikirka xagjirnimada maadaama argagaxisada aysan ogoleyn horumarka dalka iyo ilaalinta qarannimada Soomaaliya sidoo kale wuxuu tusaale usoo qaatay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya in dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ay argagaxisada soo weerartay in ka badan 10 jeer si ay uga hor tagto horumarka la hiigsanayo.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa u mahad celiyay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jira ciidamada qalabka sida iyo saraakiisha ciidanka hoggaamisa ee u taagan ilaalinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo sidoo kale sheegay in inta dalka musuq-Maasuq uu ka jiro aan Caddaaladi jiri karin,kala dambeyn iyo dowlad xoog leh aan la heleyn sidoo kalana argagaxisada aan laga adkaan karin ayaa dhallinyarada ku dhiirri geliyay inay ka shaqeeyaan nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya isla markaana qaybtoodana ay ka qaataan dagaalka lagula jiro musuqa-Maasuqa,wuxuu ugu dambeyn ugu baaqay dhalinyarada inay is-weydiin meesha hadda la joogaa,jihada loo socdo iyo waddada loo marayo si loo gaaro horumarka la hiigsanayo iyo si dhaxal fiicann ay u helaan jiilka soo koraya iyo kuwa dhalan doona.

Trending

Exit mobile version