Uncategorized

Ra’iisul wasaaraha oo shir amniga ku saabsan la qaatay Saraakiisha Booliska

Published

on

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane  Xasan Cali Khayre oo maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta taliska Booliika Soomaaliyeed ayaa kulan la qaatay taliyaha Booliiska Jannaraal Cabdi Xasan Maxamed (Xajaar) iyo labada taliye ku-xigeen oo mid kood habeen hore lamagacaabay ka dibna la dalacsiiyay.

Kulanka ayaa looga hadaly dardar gelinta qorshaha sugidda amniga dalka iyo fududeynta dib-u-habeynta Booliiska, si loogu guuleyso tayeynta ciidamada booliiska oo qayb ka ah qorshaha guud ee ciidamada Soomaaliyeed ay kula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka oo dhan.

Taliyaha iyo taliye ku xigeennada ayaa Ra’iisul Wasaaraha xog ka siiyay howl galladii ugu dambeeyay ee booliisku amniga dalka ku sugayeen iyo guulahii laga gaaray qorshaha ciidamo booliis ah lagu geynayo deegaannada argagaxisada laga xoreeyay, waxa ayna ballan qaadeen in ay fududeynayaan qorshaha dib-u-habeynta Booliiska iyo in ay laba jibbaarayaan shaqooyinka ay qaranka u hayaan, si loo helo amni, xasilooni iyo kala dambeyn.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kulan la qaatay qaban-qaabiyayaashii iyo howl-wadeennadii shirka madasha iskaashiga caalamiga ah Soomaaliya ee shalay soo xirmay waxaana kulana la isaga xog wareystay hannaankii uu shirku u qabsoomay, caqabadihii lasoo gudboonaaday iyo casharradii laga bartay ee looga faa’iideysna karo qabashada shirarka dambe.

Trending

Exit mobile version