Shirka ee uu maanta soo xiray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Muqdisho uga socday Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga la socodka dib u,eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee dib u,eegista ayaa sheegay Ra’iisul Wasaaraha in dhamaystirka dastuurka iyo in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah ay ka go,antahay.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa intaas warkiisa ku daray in Madaxweynaha iyo asaguba ay ka wada shaqaynayaan sidii loo soo gaba gabayn lahaa Dastuurka Qabya qoraalka Soomaaliya iyo in dalka ay gaarsiiyaan doorasho cod iyo qof ah.
Kulanka uu Ra’iisul Wasaae Khayre soo xiray ayaa si qota dheer looga hadlay horumarka laga gaaray dib-u-eegista Dastuurka iyo qorshaha lagu dhamaystirayo ee sannadkaan 2019.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga la socodka dib u,eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee dib u,eegista uga mahadceliyay dib u,eegista lagu sameeyay tobanka cutub ee ugu horreeya dastuurka, isaga oo ku dhiirri geliyay in dib u,eegista cutubyada dhiman ay sida ugu dhaqsaha badan ugu guulaystaan.
Himilooyinka Tubta Siyaasadda loo dhanyahay iyo halbeegyada la doonayo in sannadkaan lagu dhaqan geliyo ayaa waxaa qayb ka ah dhameystirka hannaanka dib u,eegista iyo qabya tirka dastuurka.
Laakiin dadka dhaliila Wasiirka wasaaradda Dastuurka Soomaaliya ayaa waxay sheegaan in dhamaystirka Dastuurka qabya qoraalka Soomaaliya uu noqday Mashruuc aan dhamaasho lahayn.