Wararka Soomaalida

Ra’iisul wasaare Abiy oo ka soo muuqday Beeralayda dhaxdooda

Published

on

Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Dr Abiy Axmed ayaa waxaa todobaadkan lagu arkay Beeraha ku yaalla duleedka caasimada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ka dib markii halkaas uu ku booqday Beer tacbashada reer Ethoipia oo xiligaas ku gudajiray howl maalmeedka shaqo ee beeraha.

Beeralayda uu booqday Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa wuxuu kala qeeb qaatay howlsha shaqo ee maalinkaas ay ku gudajireen beeralayda wuxuuna Abiy Axmed howsha dhiniciisa ka qabtay wixii howl ahaa ee xiligaas beeralayda ay ku gudajireen.

Abiy Axmed Cali Ra’iisul wasaaraha Ethiopia sawiro laga soo qaaday ayaa muujinaya kaalinta mas’uuliyadeed ee uu ka soo qaatay arimihii shaqo ee ka socday dhul beereedkii uu booqday Ra’iisul wasaaraha Ethiopia.

Beer-falatada uu booqday Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa layaab la,noqotay booqashada lamafilaanka ah ee Abiy Axmed ugu yimid iyagoo ka war hayn waxayna sheegeen in si aad ah ugu farxeen booqashada Ra’iisul wasaarahooda ugu yimid goobtooda shaqo ee beeraha waliba iyagoo ku gudajiray howl maalmeedkooda shaqo ee arimaha Beeraha.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa caawiyay beer falatada ku sugneed beeraha ku yaalla duleedka Addis Ababa wuxuuna usheegay in asaga uu go’aansaday inuu booqasho kadis ah ugu tago beeralayda si uu u ogaado wax soo saarkooda iyo howsha adag ee ay hayaan inta ay gaarsiisan tahay.

Beeralayda Ethoipia ee Ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu booqday howshana dhiniciisa wax ka soo qabtay ayaa umahad celiyay sida mas’uuliyadda ku dheehan tahay ee Ra’iisul wasaarahooda usoo booqday iyo kaalinta mas’uuliyadeed ee uu ka qaatay howshii ay ku gudajireen markii uu booqashada kadiska ah ugu imaanayay Ra’iisul wasaaruhu.

Trending

Exit mobile version