Wararka Soomaalida

Ra’iisul wasaare Abiy oo la gudoon siiyay Abaal marinta Nobel Peace

Published

on

Munaasabad balaaran oo maanta ka dhacday Magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa waxaa Abaal marinta qaalig ah ee Nobel peace prize lagu gudoon siiyay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa markii uu gudoomay Abaal marinta Nobel Peace wuxuu cambaareeyay rabshadaha mararka qaar ka dhaca dalkiisa Ethoipia.

Abiy Axmed ayaa Abaal marinta Nobel Peace waxaa lagu gudoon siiyay doorkii nabada ee uu ka ciyaaray Eritrea iyo Ethoipia oo cadow isku ahaayeen sida uu ugu guulaystay inuu nabad ka dhax abuuro,iyadoo labada wadan dad farahabadan iska laayeen wuxuuna ka dhigay labo wadan oo wixii dhaxmar iska iloobay isla markaana go’aansaday inay walaaloobaan Ra’iisul wasaare Abiy Axmed wuxuuna ku mutaystay dadaalkaas nabadeed Abaal marinta nabadda ee Nobel Peace.

“Kuwa fidiya naceybka iyo kala qeybsanaanta waxay qalalaase ka dhex abuurayaan bulshadeena ayaga oo adeegsanaya barasha bulshada khudbaddiisa aqbalaadda abaal-marinta waa inaan ka hortagnaa sunta naceybka anigoo ku hadlaya magaca Itoobiyaanka iyo Eritreyanka, gaar ahaan kuwa wax kaste u hurey nabadda, ayaan aqbalayaa abaal marintan”ayuu yiri Abiy Axmed oo ka hadlayey munaasabadda abaal marinta lagu gudoon siiyay maanta magaalada Oslo ee dalka Norway.

Iyadoo Ethoipia iyo Eritrea muddo dheer oo sanado ah dhax taalay qalalaaso dagaal ayaa hadda waxay yihiin labo dal oo saaxiibo ah waana arinkaas uu keenay in Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed uu ku helo Abaal marinta Nobel Peace prize ee qaalig ah.

Trending

Exit mobile version