Wararka Soomaalida
Ra’iisul wasaare Abiy oo lagu eedeeyay hurin colaadeed
Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Dr Abiy Axmed Cali ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu hurinayo rabshadaha iyo siyaasadaha iska soo horjeeda ee ka taagan Soomaaliya iyo Sudan ka dib Warbixin maanta uu daabacay Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya.
Wargeyska Daily Nation ayaa sidoo kale daabacay Warbixin uu sheegay inay ka soo baxday golaha amaanka ee QM isla markaana siweyn loogu eedeeyay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed inuu kaalin ku leeyahay rabshadaha ka taagan wadamada Soomaaliya iyo Sudan.
Abiy Axmed ayaa waxaa siweyn loogu eedeeyay in arimaha Soomaaliya kaalin mugleh uu ku leeyahay isla markaana Ciidamada wadankiisa ka socda arimaha Soomaaliya ku milmeen sida lagu xusay Warbixinta uu qoray Wargayska Daily Nation ee Kenya ka soo baxa.
Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa waxaa warbixinta QM loogu baaqay inuu ka waantoobo ku lug yeelashada wadamada siyaasadaha qalifsan iyo rabshadaha ay ka taagan yihiin sida Soomaaliya iyo Sudan sida maanta uu daabacay Wargeyska Daily Nation.
Eedan maanta loo jeediyay Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa waxay ku soo beegmaysaa ka dib markii bil ka hor Abiy Axmed uu ku guulaystay Abaalmarinta caalamiga ah ee bilada Nabadda Nobel Peace Prize taasoo ay bixiso QM.