Wararka Soomaalida

Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo Baydhabo shir ka daah furay+Sawiro

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo qaar ka mid ah wasiirada iyo Xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay. Wafdigan ka socda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta […]

Published

on

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo qaar ka mid ah wasiirada iyo Xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Wafdigan ka socda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) wasiiro iyo Xildhibaano Koonfur Galbeed ah ka dibna mas,uuliyiintaas waxaa loo galbiyay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo.

Xubnahan uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahadi Maxamed Guud ayaa waxay Baydhabo utageen sidii halkaas ay ugu furilahaayeen shir looga hadlayo arimaha gargaarka bini,aadanimada ee shacabka maamulkaas intooda dantayar wax loogu qabanayo.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa daqiiqado yar shir hor dhac u,ah shirkaas ku yeeshay aqalka Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo.

Intaas ka dib Mahadi Maxamed Guud ayaa galabta Magaalada Baydhabo si rasimi ah u daah furay shirka looga hadlayo arimaha bini,aadanimada iyadoo shirkaas ay ka qeyb galeen wasiiro,Xildhibaano ka mid ah Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

“Waxaan maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed oo aan ka daah-furay Madasha arrimaha bini’aadninimada ee dalka”ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Shirkan maanta Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed uu ka daah furay Baydhabo ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah Safiirada wadamada Caalamka ufadhiya Soomaaliya.

Maalmaha soo socda oo shirkan uu ka socon doono Baydhabo ayaa balantu ay tahay in shirkaas looga xaajoon doono arimaha bini,aadanimada ugu dambayntiina qodobo wax tar uleh shacabka Koonfur Galbeed laga soo saaro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version