Wararka Soomaalida

Ra’iisul wasaare Xasan oo la kulmay Gudi dib uheshiisiin ah+Sawiro

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusa-Mareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug kula kulay guddiga qaban-qaabada Shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ay dhawaan magacaawday wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-heshiisiinta. Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka ganansiga, xildhibaanno labada gole ka tirsan, iyo madaxa fulinta Galmudug, ayaa […]

Published

on

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusa-Mareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug kula kulay guddiga qaban-qaabada Shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ay dhawaan magacaawday wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-heshiisiinta.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka ganansiga, xildhibaanno labada gole ka tirsan, iyo madaxa fulinta Galmudug, ayaa looga hadlay shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo dardar gelinta shaqada guddiga u taalla iyo ka mira dhalinta dadaallada leesugu keenayo dhammaan reer Galmudug si ay uga tashadaan aayaha iyo dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddiga xasuusiyay shaqada adag ee loo igmaday in ay qabtaan, waxa uuna faray in sida ugu habboon, ugu dhaqsaha badan ugu daacadsan ay uga shaqeeyaan isu-keenidda bulshada, si gogosha Dhuusamareeb taalla ay uga soo baxdo natiijo farxad gelisa reer Galmudug iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, ayna Galmudug uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa siyaasiyiinta iyo dhammaan bulshada reer Galmudug ugu baaqay in guddiga ay kala shaqeeyaan gudashada mas’uuliyadda ka saaran shir-weynaha dib-u-heshiisiinta

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafiga uu hoggaaminayo ayaa mudda hal bil iyo ka badanba waxay Galmudug u joogaan dhismaha Galmudug sal adag oo ka shaqeysa danaha reer Galmudug, kana qayb qaadata horumarka dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version