Wararka Soomaalida

Safarka farmaajo ee Qadar oo war ka soo kordhay

Booqashada Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku aaday dalka Qadar ayaa la sheegayaa in uu ku salaysan yahay arrimo la xiriira safaradii hore ee Madaxweynaha uu ku tagay dalka Qadar iyo heshiisyadii labada dhinac berigaas dhexmaray sidii loo fulin lahaa. Heshiisyadaas oo ay ka mid ahaayeen mashaariicda dib u dhiska wadooyinka Soomaaliya sida […]

Published

on

Booqashada Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku aaday dalka Qadar ayaa la sheegayaa in uu ku salaysan yahay arrimo la xiriira safaradii hore ee Madaxweynaha uu ku tagay dalka Qadar iyo heshiisyadii labada dhinac berigaas dhexmaray sidii loo fulin lahaa.

Heshiisyadaas oo ay ka mid ahaayeen mashaariicda dib u dhiska wadooyinka Soomaaliya sida Magaalooyinka oo ay ugu horeyso Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Iyadoo Qarashka lagu dhisayo jidadka ay bixinayso dowladda Qadar si arrimahaas loo dedejiyo Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga la socda ay halkaas u,aadeen.

Maalinta beri ah ayaa lagu wadaa in si rasmi ah shir u yeelan doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo amiirka dalka Qadar Sheekh Tamiim Bini Xamad Al Thaani.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version