Wararka Soomaalida

Safiirkii hore ee dalka Shiinaha oo ka hadlay booqashadii khayre W/Gaalkacyo

Safiirkii hore ee Soomaaliya ufadhiyay dalka Shiinaha Ambassador Maxamed Axmed Cawil ayaa waxaa uu dhaliilay booqashadii dhowaan uu ku tagay waqooyiga Gaalkacyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre wuxuuna ku tilmaamay mid qaldan habka loo maray. Safiirka ayaa ugu baaqay madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya in ay ka raali geliyaan  Madaxweynaha Maamulka Puntland gefka laga […]

Published

on

Safiirkii hore ee Soomaaliya ufadhiyay dalka Shiinaha Ambassador Maxamed Axmed Cawil ayaa waxaa uu dhaliilay booqashadii dhowaan uu ku tagay waqooyiga Gaalkacyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre wuxuuna ku tilmaamay mid qaldan habka loo maray.

Safiirka ayaa ugu baaqay madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya in ay ka raali geliyaan  Madaxweynaha Maamulka Puntland gefka laga galay maadaama booqashadaas Ra’iisul wasaaraha raali ka ahayn Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni.

Dhinaca kale Ambassador Maxamed Axmed Cawil ayaa ugu baaqay shacabka Puntland inay ilaaliyaan nidaamka dowliga ah ka dib markii sidiiran ay u soo dhaweeyeen wafdigii Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ee waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ugu tagay.

“Dhacdadii ka dhacday Galkacayo Waa arin lidi ku ah hab maamuska Dowladnimo waxaase lagudboon Dowlada Federalka inay ka siisaa Raaligelin Madaxweynaha DGPL Mudane Said Abdullahi Dani & Shacabka Reer PL, waana inay ilaaliyaan nidaamka iyo Hab maamuuska Dowladnimo”ayuu yiri Safiirkii hore ee dalka Shiinaha Ambassador Maxamed Axmed Cawil oo warkan soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Hadalkan ka soo yeeray Maxamed Axmed Cawil Ambassador kii hore ee dalka Shiinaha ufadhiyay Soomaaliya ayaa wuxuu imaanayaa ka dib markii madaxda maamulka Puntland ay ku kala jabeen booqashada Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayay booqasho raali ka ahayn madaxda maamulka Puntland ay ku tageen waqooyiga Gaalkacyo ee Maamulka Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version