Wararka Soomaalida

Safiirkii hore Soomaaliya dalka Shiinaha oo ka hadlay uyeeritaankii Danjire Faadumo

Ambassador-kii hore ee Soomaaliya ufadhiyey dalka Chaina Ambassador Maxamed Axmed Cawil oo la hadlay Wargayska Tusmotimes ayaa waxaa uu sheegay mar uu ka hadlayey Uyeeritaankii Danjiraha Soomaaliya ee Xafiiska Xuquuqul insaanka ee QM ee Magaalada Geneva ee dalka Switzerland Danjire Faadumo Cabdulaahi Maxamuud Insaaniya oo uyeeray wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ka dib […]

Published

on

Ambassador-kii hore ee Soomaaliya ufadhiyey dalka Chaina Ambassador Maxamed Axmed Cawil oo la hadlay Wargayska Tusmotimes ayaa waxaa uu sheegay mar uu ka hadlayey Uyeeritaankii Danjiraha Soomaaliya ee Xafiiska Xuquuqul insaanka ee QM ee Magaalada Geneva ee dalka Switzerland Danjire Faadumo Cabdulaahi Maxamuud Insaaniya oo uyeeray wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ka dib markii Faadumo Cabdulaahi Maxamuud ka aamustay arrinta Galan Heights markii la soo gaaray doorka Soomaaliya la waayey.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa muddo isbuuc ah uqabtay Danjire Faadumo Cabdulaahi Maxamuud Insaaniya inay ku soo gasho Magaalada Muqdisho si wax looga weydiiyo arrinta ay samaysay.

Ambassador-kii hore Maxamed Axmed Cawil ayaa ku taageeray wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad go,aanka uu ka qaatay arrintan aamusnaanta Soomaaliya ee haweenaydaas ay samaysay wuxuuna intaas raaciyey in wasiir Axmed Ciise Cawad uu awood uleeyahay inuu uyeerikaro Safiirkii uu doono.

Safiirkan hore ayaa waxaa uu sharaxay doorka Soomaaliya markii arrin carbeed ay timaado xiliga ku haboon ee laga aamusi karo iyo Xiliga aan ku habooneyn in laga aamuso.

Maxamed Axmed Cawil ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka aamusikarto oo kaliya arrin ka dhaxtaagan labo dal oo carbeed iyadoo la,ilaalinayo walaal tinimada sidoo kale ay taageeri karto labada wadan ee carbeed mid kood.

Laakiin wuxuu sheegay arrinta haddii ay tahay mid intaas ka baxsan oo ah haddii wadan Carbeed ay la soo gudboonaato arrin dal aan ahayn Carab Dalka Soomaaliya ka aamusi karin maadaama aan ka mid nahay Jaamacada Carabta.

Dhinaca kale wuxuu taageeray go,aanka caawa ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee Mowqifkeeda Buuraha Golan Heights at ku cadeysay in takaabadan ay tahay talaabo loo baahnaa lagana sugayey dowladda Soomaaliya.

Waxaa kaloo uu sheegay Maxamed Axmed Cawil Hadii sidan ku aamusi lahaayeen Madaxda hadda talada wadanka gacanta ku haya in ay ahaan lahayd ceeb weyn oo Soomaaliya la degta islamarkaana Soomaaliya meel cidla ah soo istaagto.

Ugu dambayn ambassador-kii hore ee Soomaaliya ufadhiyey dalka Chaina Maxamed Axmed Cawil ayaa sheegay inuu layaaban yahay waxa ku kalifay inay ka aamusto Danjire Faadumo Cabdulaahi Maxamuud Insaaniya meeshii laga rabay doorka Soomaaliya in ay difaaco.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version