Wararka Soomaalida

Saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo gaaray Towfiiq

Published

on

Taliyaha Ciidanka lugta Soomaaliya,Taliyaha Ciidanka Xoogga qeybta 21-aad,Taliyha Ciidanka Isku dhafka Sacdi farax Xasan iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa galabta gaaray degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug kuwaasoo ku howlan xalinta dagaal beleedkii dhawaan ka dhacay Degmooyinka Towfiiq iyo Af-Barwaaqo.

Saraakiishan ayaa shalay kulamo la soo qaatay bulshada degmada Af-Barwaaqo iyagoo isla qaatay in nabad iyo daganaansho lagu soo dabaalo deegaanadii dhawaan colaada ka dhacday.

Saraakiisha iyo mas’uuliyiintan kulankii ay la qaateen bulshada iyo wax garadka Af-Barwaaqo ayaa wararka aan heleyno waxay sheegaan in markii hore waan waanta ay wadaan ay ka diideen laakiin dadaal dheer ka dib xoogaa isku soo dhawaasho ah ay soo gaareen dibna u balamay inay u kulmaan.

waxayna galabta kulan la qaateen dhinaca kale ee Degmada Towfiiq waxayna bulshada iyo wax garadka Towfiiq kala hadlayaan sidii loo dhamayn lahaa colaadii ka dhacday Towfiiq iyo Af-Barwaaqo.

Wararka aan ka helayno Towfiiq ayaa sheegaya inay jiraan isku soo dhawaansho labada dhinac ah iyo mira dhalka ay wadaan saraakiisha Ciidamada iyo Mas’uuliyiinta ka tirsan Galmudug.

Waan waanta hadda ka dhax bilaabatay beelihii ku dagaalamay degmooyinka Towfiiq iyo Af-Barwaaqo ee gobolka Mudug ayaa waxaa amarkaas bixisay Dowladda federaalka Soomaaliya oo Saraakiishanba halkaas udirtay.

Trending

Exit mobile version