Wararka Soomaalida
Seeraar iyo Xidig oo udigay Shariif iyo Xasan
Golaha isbadal doonka Jubbaland ee ku sugan magaalada Kismaayo oo xalay shir ku yeeshay Magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay ujeedka Madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya looga celin layahay taageerada Axmed Madoobe ay umuujinayaan iyo sababta magaalada u,imaanayaan.
Cabdinaasir Seeraar Maax iyo Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah siyaasiyiintii isku doortay Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ujeedka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud usoo aadayaan Kismaayo ay tahay in dulmiga ay ku taageeraan sidoo kale danaha Kenya ee arimaha badda utagayaan magaalada si ay ufuliyaan arimahaas.
Seeraar iyo Xidig ayaa ugu digay Shariif iyo Xasan inay ka waantobaan ficilada guracan ee ay ka shaqaynayaan sidoo kale ay ka joogaan dulmiga ay ku garabsiiyaan Axmed Madoobe iyo fulinta danaha Kenya dhaawac weyn ka soo gaarayso Mustaqbalkooda siyaasadeed arimaha doorashada ee 2022 ee Soomaaliya.