Wararka Soomaalida
Shacabka Gedo oo codsi Deg Deg ah u diray Golaha Baarlamanka Soomaaliya
Shacabka ku nool Degmadda Buulo-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa codsi Deg Deg ah u diray Golaha Baarlamanka Soomaaliya kaasoo ku saabsan dhul boobka Kenya weli ka wado xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya oo dhowrkii sanno ee la soo dhaafayba halkaas ka taagan. Dalabkan ka yimid bulshada Buulo-Xaawo oo lagu baahiyey baraha bulshadda ayaa waxay […]
Shacabka ku nool Degmadda Buulo-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa codsi Deg Deg ah u diray Golaha Baarlamanka Soomaaliya kaasoo ku saabsan dhul boobka Kenya weli ka wado xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya oo dhowrkii sanno ee la soo dhaafayba halkaas ka taagan.
Dalabkan ka yimid bulshada Buulo-Xaawo oo lagu baahiyey baraha bulshadda ayaa waxay kaga codsadeen Golaha shacabka in Ajandiyaasha ay ka doodayaan ku soo daraan dhul balaarsiga dowladda Kenya weli ka wado dhulka Soomaaliya iyo dhismaha Derbiga Kenya ka wado halkaas.
Shacabkan ayaa sidoo kale baaq u diray Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waxayna ka dalbadeen in jawaab deg deg ah ka bixiyaan dhismaha Kenya ka wado Xadka Soomaaliya iyadoo intaas warkooda ku daray in Kenya dhul weyn oo Soomaaliya leedahay uleexsatay dhinaceeda.
Shacabkaas ayaa waxay kaloo sheegeen in Maamulka Jubbaland Kenya u fudadaynayo dhul boobka Soomaaliya ku hayso ka dib markii dhowr jeer Ciidamada Maamulka Jubbaland ku handadeen haddii ay ka hari waayaan ka hadalka dhismaha Derbiga Kenya ka wado dhinaca Soomaaliya ciqaab la kulmi doonaan sida ay sheegeen shacabka Gobolka Gedo.
“Haddaannahay bulshada Gobolka Gedo Khasataan kuwa ka ag dhow Xuduuda waxaan Xildhibaanada Golaha Shacabka ka codsanaynaa inay Ajendaha ku dharaan ka doodista xuuduudaha Somaliya gaar ahaan kan Dowlada KENYA ku boobayso dhulkeena iyadoo arintaas dhul boobka ah usahlayo Kenya Mamulka Jubaland islamarkaana garab ka haysta Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Madoobe sidoo kale waxaan baaq kan la mid ah udiraynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliyeed inay ka hadlaan gardarada qaawan ee Kenya nagu hayso”ayaa lagu yiri warkan ka soo yeeray shacabka Ku dhaqan Gobolka Gedo.
Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo sidoo kale Kenya iyo Soomaaliya isku haystaan dhinaca badda qayb ka mid ah xaaladahan ka dhaxtaagan Soomaaliya iyo Kenya wuxuu sidoo kale ka dhax abuuray cadaawad siiba dhinaca Dowladda Kenya.