Wararka Soomaalida

Shaqaalaha UN-ka ee howlgala Soomaaliya oo amar lagu soo rogay

Amar ka soo baxay Xafiiska UNSOM ee Muqdisho ay ku leeyihiin Shaqaalaha QM ayaa waxaa lafaray in ay iskiiga baxaan Magaalada Muqdisho oo ay iskuuga tagaan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya Sidoo kale ay xadidaan dhaq dhaqaaqooda inta ay ka safrayaan. Warkan ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobe ee ku yaalla Muqdisho ayaa sidoo kale […]

Published

on

Amar ka soo baxay Xafiiska UNSOM ee Muqdisho ay ku leeyihiin Shaqaalaha QM ayaa waxaa lafaray in ay iskiiga baxaan Magaalada Muqdisho oo ay iskuuga tagaan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya Sidoo kale ay xadidaan dhaq dhaqaaqooda inta ay ka safrayaan.

Warkan ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobe ee ku yaalla Muqdisho ayaa sidoo kale waxaa fariin loogu diray Mas,uuliyiinta Qaramada Midoobe iyo shaqaalaha ee ka howlgala Xafiisyadooda Muqdisho ee hadda fasaxa ku maqan in aaney tegin Magaalada Muqdisho isla markaana meeshii ay ka aadi lahaayeen Soomaaliya ay ka aadan Dalka Kenya Magaalada Nairobi.

Go’aanka UN-ka ayaa sabab looga dhigay xaaladda amniga magaalada Muqdisho oo sii xumaanaya kadib markii weerar hoobiyeyaal ah lagu qaaday xafiisyada UN-ka ee Magaalada Muqdisho 1-dii bishan Janaayo ee 2019 waxaana la sheegay in xubno ka tirsan xafiiska UNSOM oo Muqdisho imaan lahaa maanta oo Axad ah laga joojiyey.

Shaqaalaha iyo Mas’uuliyiinta UNSOM ayaa ku sii shaqeyn doona magaalada Nairobi,iyadoo tegistooda Muqdisho la yareeyay sida ay sheegeyso fariin ka timid Golaha amaanka ee Qaramada Midoobe ee shirka ku leh Magaalada New York ee Dalka Britain iyagoo Goluhu gor faynaya go,aankii ka yaabiyay Golaha amaanka ee QM ee ay ku Talaabsatay Dowladda federaalka Soomaaliya oo ahaa Ceyrintii Xoghayihii QM ee arrimaha Soomaaliya ee Nicholas Haysom.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version