Wararka Soomaalida
Shil ay ku dhinteen dad Soomaali ah oo ka dhacay dalka Uganda
Dalka Uganda ayaa waxaa ka dhacay Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac farabadan sida ay tibaaxayaan wararka halkaasi nagasoo gaaraya ka dib markii gaarigii ay saarnaayeen cilid ku timid ka dibna wadada uu ka baxay iyagoo ka soo baxay caasimadda labaad ee dalka Uganda ee Mbrara kuna soo jeeday Caasimadda koowaad ee dalka Uganda ee Kamapala.
Gaariga rogmaday ee lagu dhintay ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu siday dad aan ka yarayn 37 qof iyadoo badi dadkii saarnaa ay noqdeen wax dhintay iyo wax dhaawacmay waxayna ubadnaayeen dadkaasi dadka udhashay Uganda inkastoo jensiyado kale ay la saarnaayeen sida dad udhashay Soomaaliya.
Haddaba shilkaasi gaari dadka Soomaalida ah ee ku dhintay ayaa waxaa la xaqiijiyay inay gaarayaan labo ruux oo rag ah laguna kala magacaabo Cumar Cigale iyo Aweys nin magaciisa lagu soo koobay kana mid ahaa jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Uganda.
Labadaan marxuum ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen aqoon yahano muddo dheer deganaa dalka Uganda kana mid ahaa aqoon yahanadii dalkaasi galay xiligii dalka Soomaaliya qabiilka la isku layn jiray balse maanta tooda soo dhamaatay ka dib markii shil gaari ay ku dhinteen.