Wararka Soomaalida
Shir deg deg ah loogana hadlayay Fatahaada oo ka dhacay Muqdisho
Shirka madasha bani’aadanimo ee dalka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho waxaana shirkan ka qayb galaya deeq bixiyaasha caalamka,Ururada caalamiga ah ee ka shaqeeya arimaha gargaarka, Ururada gargaarka ee gudaha dalka ka jira ganacsatada Ururada bulshada iyo guddiga qaran gurmadka fatahaadaha waxaa looga hadlayay sidii looga jawabi lahaa Fatahaada ay sameeyeen Wabiyadda shabeelle iyo Jubba iyo sidoo kale sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ka barakacay fatahaadaha Wabiyada ay ku sameeyeen.
Kulankan ayaa waxaa la isku dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaalada adag ee hadda taagan sidii wax looga qaban lahaa iyadoo ka qayb galiyaashana ay isku raaceen in gurmad aan loo kala harin oo deg deg ah loo sameeyo qoysaska dhiban.
Shirka ayaa sidoo kale waxaa aad looga dooday meelaha gargaarka loo marsiinayo qoyasaska maadaama biyaha Fatahaada ay xireen garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne iyo sida laga yeelayo waxaana la,isla qaatay meel allaale meesha ugu dhow ee wax loo marsiin karo in loo marsiiyo si loo badbaadiyo nololasha qoysaska Soomaaliyeed ee Fatahaada ku dhufatay.
Madaxdii ka qayb gashay kulankaasi ayaa waxay soo jeediyeen wax yaabaha deg dega ah ee hadda qoyasaka ubaahan yihiin in la dedejiyo sida Raashiinka,Barakaneeco iyo dawooyinka iyadoo ugu dambayn arimahaasi la isku raacay.