Wararka Soomaalida

Shir ku saabsan hawada Soomaaliya oo ka dhacay Addis Ababa+Sawiro

Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya ayaa lagu soo gabagabeeyay shir ku saabsanaa heshiis ay Dawladda Soomaaliya kula soo wareegtay dhaqaalaha iyo shaqaalaha maamulka hawada. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in shirka ay la yeesheen hay’adda ICAO uu geba-gebo u ahaa dhammeys tirka guud ahaan maamulka Hawada […]

Published

on

Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya ayaa lagu soo gabagabeeyay shir ku saabsanaa heshiis ay Dawladda Soomaaliya kula soo wareegtay dhaqaalaha iyo shaqaalaha maamulka hawada.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in shirka ay la yeesheen hay’adda ICAO uu geba-gebo u ahaa dhammeys tirka guud ahaan maamulka Hawada Soomaaliya ee ay ugu dambeysay wareejinta shaqaalaha oo haatan la saxiixay.

Qodobbada heshiiskan ayaa waxaa Dawladda Federaalka Soomaaliya u saxiixay, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar).

Dhanka ICAO waxaa hoggaaminayay una saxiixay Agaasimaha hay’adda ICAO Technical Cooperation Bureau Mr Jorge Vargas ICAO reginal office Director Mr Kashambo CAO Air Navigation Bureau iyo madax kale oo ka socotay xarunteeda dhexe oo ee Canada.

Shirka Dawladda iyo ICAO waxa uu gabo-gabo u ahaa dhamaystirka guud ahaan maamulka Hawada Soomaaliya oo ay ugu dambeysay wareejinta shaqaalaha.

Shaqaalaha ka shaqaynaya xarunta maamulka Hawada Soomaaliya waxay 31.07.2019 ku wareegayaan Dawladda Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version