Wararka Soomaalida

Shirarkii Nairobi oo loo weeciyay Addis Ababa

Published

on

Sida horayba loo hadal hayay in shirarka hay’addaha caalamka ee tababarada iyo taakulada Soomaaliya siiya laga wareejin doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa hadda waxaa sirasmi ah looga wareejiyay Magaaladaas waxaana wixii shirar ahaa ee ka qabsoomijiray halkaas loo wareejiyay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethoipia sida warar hoose oo aan ka helnay Villa Soomaaliya ay sheegayaan.

Shirarka hadda loo wareejiyay Addis Ababa ayaa waxay iskuuga jiraan shirarka arimaha amniga Caafimaadka,dhaqaalaha,tababarada shaqaalaha hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya iyo Nabadda Soomaaliya ee inta ugu badan lagu qabanjiray dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi iyadoo dhamaan wixii hay’ado ahaa ee arimahaas ku lug lahaa hadda wixii ka dambeeya howlahood Soomaaliya ku qabsan doonaan dalka Ethoipia gaar ahaan Magaalada Addis Ababa.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa magaalada Nairobi ka guuri doona dhamaan hay’adaha caalamka ee xafiisyada kala duwan ku leh magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka dib markii in muddo ah lagu howlanaa sidii Nairobi looga rarayo hay’adahaas.

Howshaas shirarka hay’adaha caalamka ee arimaha Soomaaliya ee ka dhicijiray Nairobi ee hadda loo weeciyay Addis Ababa ayaa waxay ku soo beegmaysaa ka dib markii dowladaha Soomaaliya iyo Kenya khilaafkooda cirka isku shareeray sida dacwada badda iyo faragelinta arimaha Soomaaliya.

Dowladda kenya ayaa waxay si gabasho lahayn ugu lug yeelatay arimaha maamul goboleedyada, siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda federaalka Soomaaliya inay gabaad siiso ayna taakulayso si ay u carqaladeeyaan dowladda hadda jirta waana mida keentay in dowladda federaalka ee Soomaaliya beesha caalamka ka codsato in shirarka hay’caalamka ee arimaha Soomaaliya loo wareejiyo magaalooyinka Addis Ababa iyo Kampala ee wadamada Ethiopia iyo Uganda.

Trending

Exit mobile version