Wararka Soomaalida
Shirka Golaha wasiirada Puntland oo eed loogu jeediyay dowladda Dhexe
Shirka Golaha wasiirada maamulka Puntland ee khamiis laha ah oo ka dhacay Garowe ayaa waxay Shirkooda uga hadleen arimaha amniga,siyaasadda iyo horumarka maamulka Puntland uu ku tallaabsaday sida lagu sheegay shirka Goliyaashan ay yeesheen iyadoo uu shir Gudoomiye ka ahaa maanta Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash.
Wasiirada kala duwan ee Puntland oo mid mid Warbixin looga dhagaysanayay ayaa waxaa halkaas Warbixintiisa ka jeediyay Wasiirka waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan wuxuuna si faafaahsan usharaxay qaabka waxbarasho ee Deegaanada Puntland iyo sida deeqaha ay uhesho Wasaaradda uu wasiirka ka yahay.
Wasiirka waxbarashada maamulka Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan oo ka hadlay macaamilka kala dhaxeeya Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku eedeeyay in Wasaaraddaas ka hor taagan tahay deeqihii waxbarasho ee awal ay ka heli jireen wadamada caalamka iyo sidoo kale qoondadii ay ku lahayd Puntland dowladda federaalka Soomaaliya.
“Puntland meelihii ay wada-shaqaynta kala lahaayeen xagga waxbarashada ayay waraaqado dhigtay Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda federaalka Soomaaliya waxaana ka mid ah dalka Masar oo dhawaana aniga iyo wafdi aan hogaaminayay u aadnay arimo shaqo ka dibna ku soo aragnay arinkaas,dhaqamada noocaas ah waa kuwo muujinaya nacayb iyo kala fogaansho”ayuu yiri Wasiirka waxbarashada maamulka Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan.
Eeddan maanta uu jeediyay Wasiirka waxbarashada Maamulka Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan ee uu u jeediyay Wasiirka waxbarashada Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ku soo beegmaya iyadoo aanan wanaagsanayn wada shaqaynta dowladda dhexe iyo madaxda Maamulka Puntland.