Wararka Soomaalida

Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil ee dowladda heshiiska la gashay oo ka hadlay Aqoonyahan Soomaaliyeed

Ka dib markii dhowaan Wasaaradda Batroolka iyo Madanta ee Xukuumadda Soomaaliya heshiis lagashay labada Shirkadood ee kala ah Shell iyo Exxon Mobil ayaa arintaas waxaa qoraal ka diyaariyay Aqoonyahan Ismaaciil Xaaji Warsame oo ka mid ah Aqoon yahanka Soomaaliyeed wuxuuna sharaxay habka loo mari karo in Soomaliya Shidaal qodisteeda inay ku haboon tahay in loo […]

Published

on

Ka dib markii dhowaan Wasaaradda Batroolka iyo Madanta ee Xukuumadda Soomaaliya heshiis lagashay labada Shirkadood ee kala ah Shell iyo Exxon Mobil ayaa arintaas waxaa qoraal ka diyaariyay Aqoonyahan Ismaaciil Xaaji Warsame oo ka mid ah Aqoon yahanka Soomaaliyeed wuxuuna sharaxay habka loo mari karo in Soomaliya Shidaal qodisteeda inay ku haboon tahay in loo helo awood dowladeed oo dhamaystiran.

Ismaaciil Xaaji Warsame ayaa sheegay in iyadoo la eegayo marxalada hadda dalka uu marayo aaney ku haboonayn in Soomaaliya shirkado ajaani ah ka bilaabaan Ceel shidaal qodis iyo wax lamid ah ilaa laga helayo dowladda awoodeeda dhamaystiran tahay.

Aqoon yahankan ayaa intaas ku daray in loobaahan yahay in la helo hay’ado leh maareyn iyo hufan wuxuuna sheegay in laga maarmaan ay tahay in la helo laba xaaladood oo kala ah isku xirnaan dawlad xoog leh ama dowlado hoos yimaada nidaamka federaalka ee Soomaaliya qaadatay kaasoo xaqiijin kara qawaaniinta iyo kala dambaynta arrimaha degaanka iyo ka war haynta shirkadaha shidaalka ka qodaya Soomaaliya.

Soomaliya ayaa wuxuu sheegay in hadda  awoodi karin fulinta iyo ilaalinta arimaha noocaan ah kala tagsanaanta ka jirta Soomaaliya darteed wuxuuna ku tilmaamay arimahaan in ay yihiin kuwo aan la aqbali karin.

Ismaaciil Xaaji Warsame ayaa sheegay in Khilaafka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya u baahan tahay in la xaliyo marka hore haddii kale wuxuu sheegay in caqabado lagala kulmayo arimahan hadda dowladda damacsan tahay waxaa kaloo uu sheegay in ay haboontahay iska ilaalinta Shirkadaha Shidaalka haddii kale hanti burbur uu ku imaankaro Soomaaliya sida beeraha iyo waxsoosaarka cuntada wuxuuna ku taliyay in marka hore lala yimaado awooda dhismaha hay’adaha iyo nabadda iyo dib-u-heshiisiinta qaranka Soomaaliyeed kadibna loo jeesto heshiisyada noocaan ah.

Qore:ismail warsame@ismailwarsame.blog

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version