Wararka Soomaalida
Shirkadda DP World oo kordhinaysa qarashka Dekadda Berbera
Shirkadda laga leeyahay dalka isutaga imaaraadka Carabta ee DP World ayaa maanta sheegtay in ay kordhinayso lacagaha ay ka qaado Alaabaha kasoo dega dekedda Berbera ayna gaarsiiyeen in ka badan 40% bisha soo socota Maarso. Shirkadda DP World ayaa sidoo kale waxay sheegtay haddii aan la kordhin lacagaha laga qaado Alaabaha kasoo degaya dekedda Berbera […]
Shirkadda laga leeyahay dalka isutaga imaaraadka Carabta ee DP World ayaa maanta sheegtay in ay kordhinayso lacagaha ay ka qaado Alaabaha kasoo dega dekedda Berbera ayna gaarsiiyeen in ka badan 40% bisha soo socota Maarso.
Shirkadda DP World ayaa sidoo kale waxay sheegtay haddii aan la kordhin lacagaha laga qaado Alaabaha kasoo degaya dekedda Berbera in ay saamayn doonto Shirkadda hakinta maalgelintii ay ku sameyn lahayd dekedda Berbera.
Haddaba su’aashu isweydiinta mudan ayaa waxay tahay maalgelintii ay sheegtay DP World in ay ku samayn doonto Dekedda Berbera ma waxay ahayd qaybta Saamiga DP World ay ku lahayd Qarashka ka soo xaroonaya dekadda (Berbera) mise lacag iyadu (DP World) ay leedahay sidaas waxaa isweydiinaya oo qaba bulshada iyo Siyaasiyiinta reer Soomaaliland.
Warkan ku aadan Qarash kordhinta Dekadda Berbera ee Shirkadda DP World ayaa maanta waxaa la,isku dhaafsanayey baraha bulshada gaar ahaan Dhinaca bulshada Soomaaliland.