Wararka Soomaalida

Shirkii amniga Muqdisho oo war laga soo saaray

Gudoomiyha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Injineer Yariisow) oo shir gudoomiye ka ahaa caawa shirkii amaanka Muqdisho looga hadlayay ayaa waxaa uu sharaxay natiijooyinka laga gaaray maalmihii la soo dhaafay howlgalo ka dhacay qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho. Gudoomiye Yariisow ayaa wuxuu sheegay in natiijooyin wanaagsan laga gaaray howlgaladaas ka dhacay […]

Published

on

Gudoomiyha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Injineer Yariisow) oo shir gudoomiye ka ahaa caawa shirkii amaanka Muqdisho looga hadlayay ayaa waxaa uu sharaxay natiijooyinka laga gaaray maalmihii la soo dhaafay howlgalo ka dhacay qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho.

Gudoomiye Yariisow ayaa wuxuu sheegay in natiijooyin wanaagsan laga gaaray howlgaladaas ka dhacay Degmooyinka Gobolka Banaadir qaarkood wuxuuna sheegay inay ku soo qabqabteen maleeshiyaad hubaysan oo bulshada dhibaato weyn ku hayay haatana ay ku jiraan gacanta laamaha amniga iyo xeer ilaalinta dowladda.

Maleeshiyaadkaas ee uu ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Injineer Yariisow ayaa waxaa laga soo kala qabtay xaafadaha Suuq boocle,Garasbaaleey ee degmada Dharkeenley,xaafadaha degmooyinka Kaaraan,Cabdicasiis iyo Deyniile ka dib howlagal ka dhacay xaafadahaas.

Gudoomiyaha ayaa intaas raaciyay hadalkiisa inay maleeshiyadaas qaarkood oo isku dayay inay ladagaalamaan Ciidamada amniga gacanta lagu soo dhigay haatana lagu dawaynayo Isbitaalada Muqdisho ka dibna la soo taagayo Maxkamad.

 

“Shirka Amniga Caasimada Muqdisho ayaa caawa lagu soo bandhigay guulaha Ololaha la dagaalanka Burcada iyo Mooryaanta hubeysan iyadoo Mooryaankii shacabka dhibka ugu geysan jirey Kaaraan iyo Cabdicasiis oo Waaranka u jarnaa la soo qabtay isagoo dhaawac ah oo booliiska xabado ku ridayey ka dibna uu Isbitaalka ku geeriyooday,Sidoo kale waxaa la soo qabtay mooryaan kale oo la raadinayey lagana soo kala qabtay degmooyinka Dharkinley, Deyniile iyo Yaaqshiid, oo uu ka mid yahay Cabaas Xasan Maxamed oo mudo laga raadinayey degmada Dharkinley.

Waan wadeynaa Ololahan waxaana uga digeynaa kuwa caadeystay inay nidaamka dowliga iyo awaamiirta ciidanka iska indhatira. Nidaam iyo dowladnimo baa na wada deeqa ee aan amniga Caasimada ka wada shaqeyno”ayuu yiri Gudoomiye Yariisow oo shirka ka dib lahadlay Saxaafada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version