Wararka Soomaalida

Shirkii Bangiga Aduunka iyo IMF oo ka furmay Washington

Magaalada Washington ee dalka Maraykanka ayaa waxaa maanta si rasmi ah ugu furmay shirkii Bangiga Aduunka iyo IMF waxaana looga hadlayaa arrimaha dhaqaalaha Aduunka meesha hadda ay wax marayaan. Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb galaya wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre waxayna Shirkan uga hadlayaan arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya iyo arrinta deyn […]

Published

on

Magaalada Washington ee dalka Maraykanka ayaa waxaa maanta si rasmi ah ugu furmay shirkii Bangiga Aduunka iyo IMF waxaana looga hadlayaa arrimaha dhaqaalaha Aduunka meesha hadda ay wax marayaan.

Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb galaya wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre waxayna Shirkan uga hadlayaan arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya iyo arrinta deyn cafinta Soomaaliya.

Madaxda ka qeyb geleysa Shirkaas ayaa la sheegay in durba ay bilaabeen ka hadalka maalaayiinta dollar ee deynta ah ee Soomaaliya looga leeyahay Aduunka wixii laga yeeli lahaa.

Khubarada falanqeeya arrimahaan oo kale ayaa sheegaya in ay ubadan tahay in shirkan loogu dhawaaqo in Soomaaliya laga cafiyey deyntii lagu lahaa.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre qoraal uu soo dhigay boggiisa twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in ka qeyb galka Shirkaas ay u tahay mid muhiim ah.

Waxaa kaloo uu sheegay Ra’iisul wasaaraha in ka qeyb galayaasha ay ka rajeynayaan go,aan ay ka gaaraan arrinta deyn cafinta Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version