Wararka Soomaalida
Shirkii Golaha Wasiirada oo lagu ansixiyay dhowr Hindise sharciyeed+Sawiro
Kulanka caadiyanba Khamiis walba ay yeeshaan Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta waxaa la hor keenay 5 Hindise Sharciyeed iyadoo Golaha ay ka yeesheen sharciyadaas dood iyo falanqayn arinkaasi ku saabsan. Shirka Golaha wasiirada ayaa waxaa la soo hor dhigay Hindise Sharciyeedka hab Maamulka xadaynta Cabirka Gaadiidka,Hindise Sharciyeedka hab Maamulka Gaadiidka iyo Hindise Sharciyeedka marista wadooyinka. […]
Kulanka caadiyanba Khamiis walba ay yeeshaan Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta waxaa la hor keenay 5 Hindise Sharciyeed iyadoo Golaha ay ka yeesheen sharciyadaas dood iyo falanqayn arinkaasi ku saabsan.
Shirka Golaha wasiirada ayaa waxaa la soo hor dhigay Hindise Sharciyeedka hab Maamulka xadaynta Cabirka Gaadiidka,Hindise Sharciyeedka hab Maamulka Gaadiidka iyo Hindise Sharciyeedka marista wadooyinka.
Sharciyadan ayaa waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Howlaha guud,Guryaha iyo dib udhiska Soomaaliya iyadoo dood iyo isla qaadaa dhigid dheer ka dib Goluhu isku raacay meelmarinta Hindise sharciyeed-yadan la hor keenay.
Qodobadan ay meelmariyeen maanta Golaha Wasiirada ayaa wuxuu muhiim uyahay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed iyadoo habka Maamul ee xadaynta iyo xakamaynta shilalka iyo qaraxyada ka dhacaya Magaalada Muqdisho ay ka yaraan doonaan haddii sida dhabta ah loo dhaqan geliyo ku dhaqanka sharciga.
Dhina kale Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa intaas ka guda galay ka doodista Hindise sharciyeed kale oo Wasaaradda arimaha dibadda soo hor dhigatya Golaha wasiirada kaasoo ah ka doodista dhowr Safaaradood oo jagooyin ka banaan yihiin sidii Safiiro loogu magacaabi lahaa.
Golaha oo ka munaaqi shooday dalbka wasaaradda arimaha dibadda ayaa ugu dambayn isku raacay in Safiiro loo magacaabo Safaaradaha aan lahayn Safiirada.
Shirka Golaha Wasiirada oo uu shir Gudoominayay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa waxaa kulanka lagu dalacsiiyay darajada Safiirnimo 5-aqoon yahan.
Waxaana Golaha wasiirada isku raaceen in Safaaradahaas Safiiro loogu magacaabo mas,uuliyiintan.
1-Muxudiin Maxamed Kaalmooy dalacsiin darajo safiirnimo.
2-Xasan Daahir Dhimbil dalacsiin darajo Safiirnimo.
3-Xasan Xundubey Jimcaale dalacsiin darajo Safiirnimo.
4-Maxamed Isxaaq Ibraahim dalacsiin darajo Safiirnimo.
5-Maxamed Cali Mire dalacsiin darajo Safiirnimo.
Inkastoo Golaha wasiirada qalinka ku wada duugeen dalacsiinta iyo magacaabista Safiiradaas ayaa haddana warbaahinta loo sheegin wadamada Safiirada ka noqonayaan.