Wararka Soomaalida
Shirkii Golaha wasiirada Puntland oo war laga soo saaray(Akhriso)
Kulan maanta ay iskuuga yimaadeen Golaha wasiirada Maamulka Puntland ayaa waxaa shir gudoominayey Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) waxaana shirka looga hadlayey xaalada amaan ee deegaanada Puntland iyo war dhawaan ka soo yeeray Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre. Shirkaas wasiirada Puntland ayaa waxaa si aad ah loogu dooday wax […]
Kulan maanta ay iskuuga yimaadeen Golaha wasiirada Maamulka Puntland ayaa waxaa shir gudoominayey Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) waxaana shirka looga hadlayey xaalada amaan ee deegaanada Puntland iyo war dhawaan ka soo yeeray Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre.
Shirkaas wasiirada Puntland ayaa waxaa si aad ah loogu dooday wax ka qabashada xaalada amaan ee Puntland iyo sidoo kale waxa ka qabashada falalka kufsiga ee bilooyinkaanba ay ku caan baxeen deegaanada Puntland.
Fadhiga wasiirada ayaa waxaa lagu ansixiyey in amaanka iyo kufsigababa si isku mid ah loola dagaalamo si bulshada Puntland ay nabad ugu noolaato.
Dhinaca kale waxaa kulanka lagu lafaguray hadalkii wasiir goodax ee ahaa haddii goobaha wax barashada Puntland Ardayda wax ka barta ka qayb galin imtixaanka dhacaya bisha May bartamaheeda dowladda Soomaaliya aaney aqoonsan doonin shahaadada Ardayda ka soo qalan jebisa xarumaha waxvarasho ee Puntland.
Wasiirada Puntland ayaa hadalkaas nasiibdaro weyn ku tilmaamay waxayna sheegeen in Warkaas Puntland aaney ku haboonayn in sidaas loo yiraahdo.
“Maanta waxaan shir gudoomiyey shirka golaha wasiirada oo diirada lagu saaray xaalada amniga, aragtida Puntland ee arrimaha intixaanaadka shihaadiga ah, tayaynta hay’addaha iyo dib u eegida xeerka kufsiga”ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash.
Haddaba kulankii Golaha wasiirada Puntland ayaa waxaa laga soo saaray war-saxaafadeed ka hadlaya kulankii maanta iyo qodobadii looga hadlay.