Wararka Soomaalida

Shirkii Kismaayo oo war murtiyeed laga soo saaray

Published

on

Maanta magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka furmay shir halmaalin ahaa oo ay la haayeen Wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan ducaale Bayle iyo Wasiirada Maaliyadda maamul Goboleedyada Soomaaliya waxaana shirkaas maanta daah furay Axmed Maxamed Axmed Madoobe oo ah Madaxweynaha maamulka Jubbaland ee wali dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo beesha caalamka aqoonsi ka helin.

Siyaasiga Axmed Madoobe ayaa sheegay in maanta wax ku saabsan siyaasad uusan ka hadlayn balse arimaha maaliyadda iyo deyn cafinta Soomaaliya muhiim utahay dhamaan shacbiga Soomaaliyeed shirka wasiirada maaliyadda-na uu furan yahay.

Shirka ka furmay Kismaayo ayaa waxaa xaadir noqday shanta wasiir maaliyadeed ee maamulada kala ah Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug ,Puntland iyo Jubbaland oo marti loo ahaa iyo sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan ducaale Bayle.

Intii uu socday shirkaasi Kismaayo ay ku la haayeen Wasiirka maaliyadda Soomaaliya iyo wasiirada Maamul Goboleedyada ayaa waxaa loogu dooday maaraynta maaliyadda Soomaaliya iyo arimaha nidaamka deyn cafinta Soomaaliya waxaa sidoo kale shirkan looga hadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa wanaajinta nidaamka dhaqaale ee dalka.

Wasiirada Maaliyadda ee dowlada federaalka iyo Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa gabagabadii isku raacay in laga wada shaqeeyo dib u habaynta nidaamka maaliyadda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka sidii sare loogu qaadi lahaa.

Ugu dambayn shirkaas oo galabta la soo gabagabeeyay ayaa waxaa laga soo saaray War-Saxaafadeed ku aadan shirkii halka maalin ahaa ee wasiirka maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya iyo wasiirada maaliyadda maamul Goboleedyada ay ku yeesheen magaalada Kismaayo.

War-Saxaafadeedka ay soo saareen wasiirada lixda ah ee wasaaradda maaliyadda dowladda dhexe iyo Wasiirada maaliyadda maamulada Soomaaliya ayaa waxay ku sheegeen in wixii siyaasad ku saabsan inaysan shaqo ku lahayn ayna ka fogaadaan si saamayn ugu yeelan howlaha maaliyadeed ee ay wadaan iyo in si cadaalad ah uwada shaqeeyaan dhaxdooda lixda wasaaradood ee maaliyadda qaabilsan.

Hoos ka akhri War-Saxaafadeedka.


Trending

Exit mobile version