Wararka Soomaalida
Shirkii Urur goboleedka IGAD oo Addis Ababa ka furmay
Shir Madaxeedka 13-aad ee Urur Goboleedka IGAD oo uu ka qeyb galayay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa galabta lasoo gabagabeeyay, waxaana laga soo saaray go’aanno waxtar uleh wax wada qabsiga shucuubta Gobolka.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Guddoomiyaha cusub ee Urur Goboleedka IGAD Mudane Cabdalla Xamduuk oo ah Raiisul Wasaaraha dalka aan walaalaha nahay ee Suudaan.
Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamduuk ayaa waxa uu xubin muhiim ah ka ahaa Guddiga Dhaqaalah Qaranka ee Jamhuuiryadda Federaalka Soomaaliya kahor intii aan loo magacaabin Xilka Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Suudaan.
Sidoo kale, Madaxweynhuhu waxa uu soo dhaweeyey magacaabista Xoghaya Guud ee IGAD Mudane Workneh Gebeyehu, waxa uuna adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si dhaw ula shaqaynayso hoggaankan cusub, si loo gaaro hiigsiga muhiimka ah ee ururkeenna iyo arrimaha hortabinta u leh awood-siinta Gobolka.
Dowladda Soomaaliya waxa ay kaalin mug leh ka qaadatay aas-aaskii Urur Goboleedka IGAD, haatanna shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed waxa ay u taagan yihiin gudashada doorkooda iyo wax la qabsiga dalalka kale ee qeybta ka ah IGAD.