Wararka Soomaalida
Shirweyne looga hadlayo qodobo dhowr ah oo ka furmay Jigjiga
Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa maanta magaalada Jigjiga ka furay shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Isbedelka Cimiladda iyo Xoolo dhaqatada dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Shirkan uu Jigjiga ka furay Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa waxaa lagu casuumay khubaro dhinaca Cilmiga Cimiladda ku xeel dheer, sidoo kale waxaa lagu casuumay Xoola dhaqatada ku nool miyiga iyo magaalooyinka Ismaamulka Gobolka Soomaalida ka tirsan.
Madaxweyne Mustafe Cumar oo hadal ka jeediyay furitaanka shirkaasi ayaa ka qayb galayaasha shirka wuxuu u sheegay in muhiimad weyn uu ugu fadhiyo shirkan bulshadda ku nool guud ahaan dhulka iyo gobolka Soomaalida, maadaama arrinta shirka oo looga hadlayo ee cimiladda iyo saameynteedu ay tahay mid muhiim.
Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa sidoo kale ka qayb geliyaasha shirkan ku booriyay in ay ka faa’iidaystaan Khubarada lagu casuumay shirka iyo Cilmiga halkan ay ka jeedin doonaan sidoo kale ra’yigooda ku biiriyaan shirka kaliya aanay noqon ka qayb geliyaal.
Magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaali State ayaa hadda waxaa ku qulqulaya dhamaan marti sharaftii shirkaas Jigjiga lagu casuumay iyadoo warar aan ka helnay magaalada Jigjiga ay sheegayaan in shirkan uu socondoono muddo todobaad ah.