Wararka Soomaalida

Shirweynihii aayaha Soomaaliya oo Itoobiya lagu soo gaba gabeeyey+sawiro

Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka itoobiya ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyey shirweynihii mudooyinkaanba ugu socday Magaalada Addis ababa Odayaal dhaqameed,Haween iyo aqoonyahano iskiiga kala yimid Gobolada waqooyi,Koonfurta Soomaaliya iyo dalka dibadiisa. Shirkan ayaa waxaa Addis ababa ku lahaa beelweynta Direed ee ku kala firirsan guud ahaan Gobolada Soomaaliya iyo itoobiya waxaana ay ugu […]

Published

on

Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka itoobiya ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyey shirweynihii mudooyinkaanba ugu socday Magaalada Addis ababa Odayaal dhaqameed,Haween iyo aqoonyahano iskiiga kala yimid Gobolada waqooyi,Koonfurta Soomaaliya iyo dalka dibadiisa.

Shirkan ayaa waxaa Addis ababa ku lahaa beelweynta Direed ee ku kala firirsan guud ahaan Gobolada Soomaaliya iyo itoobiya waxaana ay ugu arrinsanayeen aayaha beelweynta Direed iyo sidii hogaan sare ay ugu yeelan lahaayeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo tan itoobiya.

Shirkaas maanta lagu soo gaba gabeeyey Magaalada Addis Ababa ee dalka itoobiya ayaa sidoo kale waxaa kala qayb galay qaar ka mid ah Golaha Baarlamanka federaalka Soomaaliya ee labada aqal ka kooban siyaasaddana umatela beelweynta Direed.

Waxaana gunaanidkii Shirkaas laga soo saaray War-Saxaafadeed ku qotomay shirka waxaana Dhinaca kale baaq nabadeed loogu diray Beelaha ku dagaalamaya deegaanada ka mid mid ka ah dalka itoobiya in ay joojiyaan dagaalka.

Waa markii ugu horeeysay shir noocaan ah ay iskuuga yimaadaan aqoon yahanada,haweenka iyo Odayaasha dhaqanka ee beelweynta Direed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version