Wararka Soomaalida

Siciid Deni oo lakulmay Safiirka Ingiriiska

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo shalay galab dib ugu laabtay Magaalada Garowe ayaa kulan la qaatay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender oo dhankooda shalay gaaray Garowe. Deni iyo Ben Fender ayaa ka wada hadlay arimaha Soomaaliya iyo wada shaqayn la,aanta dhinaca dowladda federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada ka dhisan Soomaaliya. Safiirka Ingiriiska […]

Published

on

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo shalay galab dib ugu laabtay Magaalada Garowe ayaa kulan la qaatay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender oo dhankooda shalay gaaray Garowe.

Deni iyo Ben Fender ayaa ka wada hadlay arimaha Soomaaliya iyo wada shaqayn la,aanta dhinaca dowladda federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada ka dhisan Soomaaliya.

Safiirka Ingiriiska Ben Fender ayaa usheegay Siciid Deni in muhiim ay tahay in la helo wadada wada shaqaynta Maamulada iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya si horay loogu wada socdo.

Kulankan ka dhacay Garowe ee dhax maray Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Deni iyo Ben Fender Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay habka ugu wanaagsan ee loo dhamayn karo khilaafka siyaasadda ku salaysan ee ka dhax taagan Dowladda dhexe iyo Maamul Goboleedyada.

Ben Fender iyo Siciid Deni ayaa isku afgartay qodobo aan wali la shaacinin waxa ay isku af garteen waxa ay yihiin iyadoo markii dambe sida jir ah Saxaafadda ula hadlay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version