Wararka Soomaalida

Siyaasiyiinta mucaaradka ah oo cadeeyey Mowqifkooda

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug ka horna soona noqday wasiirkii amniga xiligii Xasan sheekh Maxamuud uu Madaxweynaha ahaa kana mid ah Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowladda hadda ka talisa Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay arrinta Kenya iyo midda Soomaaliya. Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in fikir badan iyo aragtiyo ku kala duwan yihiin […]

Published

on

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug ka horna soona noqday wasiirkii amniga xiligii Xasan sheekh Maxamuud uu Madaxweynaha ahaa kana mid ah Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowladda hadda ka talisa Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay arrinta Kenya iyo midda Soomaaliya.

Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in fikir badan iyo aragtiyo ku kala duwan yihiin Madaxda hadda talada haysa mucaaradna uu ku yahay dowladda Soomaaliya balse arrinta hadda taagan ee talaabadii dowladda Kenya ay qaaday awgeed uu garab taagan yahay dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu ugu baaqay Siyaasiyiinta asaga oo kale ah ee mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya in ay garab istaagaan dowladood arrinta jirta awgeed wuxuuna ku tilmaamay in ay tahay waajib qofkasta laga doonayo markii ficilada noocaas ah ay yimaadaan.

Siyaasigan oo ka mid ah Ururka Damuljadiid ee Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud Madaxda u yahay ee hadda labaxay magaca Xisbiga UPD ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka waxaa uu ku sheegay sida tan.

“DIFAACA DALKU WAA WAAJIB WADANI AH. Waa dhab in dowladda aan ku kala aragti duwanahay siyaasado badan oo ay dalka u daadihineyso kuna hogaamineyso, laakiinse marka ay timaado difaaca qaranka iyo midnimada dhulkiisa iyo dadkiisa waxaa waajib ah in meel looga soo wada jeesto”
Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa seddaxdii sano ee la soo dhaafayba wuxuu ku nool yahay dalka Turkiga Magaalada Ankara halkaas oo uu ujoogo xaalado Caafimaad.
Go,aankii dowladda Kenya ayaa waxaa isku aragtiyo jihaysan uu ka dhigay dhamaan mucaarad iyo muxaafad umadda Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version