Somali News

Soomaali ka ganacsadda xubnaha dadka tahriiba oo dalka Liibiya lagu xiray

Published

on

Mas’uuliyiinta iyo ciidanka dalka Liibiya ayaa xiray nin Soomaali ah oo lagu soo eedeeyay dambiyo la xiriira ka ganacsiga dadka iyo gaditaanka xubnaha bini’aadanka.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Xasan Qidi, lana sheegay in uu yahay muwaadin u dhashay dalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyey inuu hoggaaminayey Shabakad abaabulan oo ka ganacsata Tahriibka, socdaalka sharci -darrada ah iyo gaditaanka xubnaha lagala baxo dadka iyagu tahriibka ah.

Mas’uul u hadlay ciidanka dalka Liibiya ee iyagu howl-galka lagu soo qabtay Xasan Qidi fuliyay ayaa sheegay in Xasan Qidi iyo kooxda la shaqaysata ay si ula kac ah u dileen dad aad u tiro baddan oo muhaajiriin ah si ay uga ganacsadaan xubnaha jidhkooda. Waxaa kale oo Xasan Qidi iyo Shabakada uu hogaamiyaha ka yahay lagu eedaynayaa in ay galeen dambiyo kale, sida kufsi, xabsi afdbuub ah, jir dil, iyo in ay ku qasbaan qoysaska dadka ay qabsadaan sidii ay u bixin lahaayeen madax furasho si loo sii daayo ehelladooda.

Marar baddan waxaa la maqli jiray in dad Soomaali ahi ay ku lug leeyihiin afduubka dhallinyaradda iyo Soomaalida tahriibka ah ee gacanta u gala dadka loogu magac daray “MA GAFE”, balse waa markii ugu horeysay ee dad Soomaali ah loo qabto in ay ku lug leeyihiin hogaanka dadka ka ganacsadda dadka tahriibaya iyo xubnaha jidhkooda.

Xigashadda Sawiradda: Waaxda Booliiska dalka Liibiya

Trending

Exit mobile version