Wararka Soomaalida
Soomaaliland oo DFS Ku wareejisay $600,000 oo Dollar
Deeq lacageed oo ka timid Soomaaliland ayaa maanta soo gaartay magaalada Muqdisho waxaana lagu wareejiyay gudiga gurmadka fatahaadaha ee Dowladda federaalka Soomaaliya.
Gudi ka socda Soomaaliland oo waday lacag dhan $600.000 oo kun oo dollar ayaa waxaa lagu wareejiyay Gudiga fatahaadda dowladda federaalka Soomaaliya si wax loogu qabto xaalada fatahaadaha Wabiya Shabelle iyo Jubba.
Gudigan ka socda Soomaaliland ee lacagtaas wada ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah Gudiga Fatahaadaha gurmadka Qaran iyo qaar ka mid ah Culimada Soomaaliya.