Wararka Soomaalida
Soomaaliland oo laashay heshiiskii Imaaraadka ee Berbera
Madaxweynaha Soomaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kormeer shaqo ku tagay dekadda Berbera wuxuuna sheegay in lalaalay heshiiskii iyaga iyo imaaraadka udhexeeyey ee ahaa in Imaaraadka Carabta Xero Ciidan oo balaaran ka dhistaan magaalada Berbera ayna joojiyeen oo ay laaleen heshiiskaasi waxaa kaloo Muuse Biixi Cabdi uu sheegay in dhulkii Imaaraadka ay doonayeen inay ka dhistaan Xeradaas Ciidan ay ubedeleen Garoon diyaaradeed oo caalami ah.
Madaxweynaha ayaa intaas ka dib dhagax-dhigay mashruuc cusub oo Ceel-biyood loogu hirgelinayo dadka ku dhaqan dhinaca barri ee magaalada Berbera isaga oo masuuliyiinta qaranka u qaabilsan biyaha ku adkeeyey inay xil weyn iska saaraan sidii shacabka ku dhaqan Berbera ay biyaha uga haqab beeli lahaayeen maadaama oo jawiga magaaladu yahay mid kulul
Madaxweynaha iyo wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga magaalada Berbera islamarkaana ay wehelinayaan maamulka heer gobol iyo heer degmo ee magaalada Berbera ayaa ugu horrayn kormeeray dekedda weyn ee magaalada Berbera waxana uu madaxweynuhu indho indheeyey mashaariic waaweyn oo ay shirkadda dekedda gacanta ku haysa ee DP World ka hirgelisay gudaha dekedda iyo agab casri ah oo ay keentay waxana uu warbixin ka dhegaystay maareeyaha dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi oo ku dheeraaday horumarka ay dekeddu ku tallaabsatay.