Wararka Soomaalida

Soomaaliland oo war ka soo saartay xiriirka loo jaray dalka Guinea

Ka dib markii shalay dowladda federaalka Soomaaliya xiriirka Diblomaasi ujartay dalka ku yaala Galbeedka Africa ee Guinea ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka arimaha dibadda ee Maamulka Soomaaliland Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon) wuxuuna sheegay xiriirka loo jaray dalka Jamhuuriyadda Guinea inuu abuurayo cadaawadda hor leh shacabka Soomaaliland iyadoo intaas sii raaciyay in Dowladda federaalka Soomaaliya ay ku […]

Published

on

Ka dib markii shalay dowladda federaalka Soomaaliya xiriirka Diblomaasi ujartay dalka ku yaala Galbeedka Africa ee Guinea ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka arimaha dibadda ee Maamulka Soomaaliland Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon) wuxuuna sheegay xiriirka loo jaray dalka Jamhuuriyadda Guinea inuu abuurayo cadaawadda hor leh shacabka Soomaaliland iyadoo intaas sii raaciyay in Dowladda federaalka Soomaaliya ay ku hayso Shacabka Soomaaliland caburin iyo dagaal siyaasadeed.

Wasiir Faratoon ayaa sheegay in dowladda federaalka ay Somaliland ku heyso go’doon, kana soo horjeedo horumarkeeda.

Wasiirka arimaha dibadda ee Maamulka Soomaaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon oo ku sugan dalka Guinea ayaa intaasi raaciyey in Soomaaliya go’aankani ay ku weyn karto xiriirka dalal badan oo caalamka ah sida uu warka udhigay wasiir Faratoon.

Waxa kale uu carabka ku dhuftay in Somaliland haatan xiriir wanaagsan ay la leedahay dalal dhowr ah oo ku yaalla Africa, islamarkaana ay sii hormarin doonto arimaha la xiriira aqoon raadiska.

“Waxaa na soo gaaray war sheegaya in Dowladda federaalka Soomaaliya  calaaqaadkii u gooyeen dalka la yiraahdo Guinea oo ay ka xun yihiin booqashadayada iyo soo dhaweynta heerka Madaxweyne ee Madaxweynaha Jamguuriyadda Soomaaliland uu ka helay dalka aan walaalaha nahay ee Guinea  arrintaa waxaannu u aragnaa inay maangaabnimo iyo aragti la’aani ku dheehan tahay iyadoo aad moodo in ay ku qanacsan yihiin in Somaliland ay u xirnaato waa nasiib daro in Somaliland cilaaqaad la leedahay dalal badan oo caalamka ah oo Afrika iyo Yurub ah aysan igu ogayn wadamadaas oo ka mid ah Bariga Dhexe iyo Yurub oo marar hore nagu soo dhaweeyey habmaamuuska qaran looga baahan yahay”ayuu yiri wasiirku.

Tallaabada xiriir ujarida ah ee dalka Guinea ee ay qaaday dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay culeys weyn ku abuuraysaa hankii maamulka Soomaaliland ay ka la haayeen caalamka iyo safarkii ay ku tageen dalka Guinea iyadoo dalal badan oo caalamka ah ee ficiladaas samayn lahaana gadaal uguran doonaan sida ay sheegeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta taxliiliya siyaasadda geeska Afrika.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah u shaacisay in gabi ahaan ay xiriirka u jirtay dowladda Guinea kadib markii si maamuus leh ay u soo dhaweeyay Madaxweynaha Somaliland oo haatan booqasho ku jooga gudaha dalkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version