Wararka Soomaalida

Akhriso:Taariikhda Xildhibaan Boqorre oo lagu dilay Muqdisho

Cismaan Cilmi Boqorre waxaa gabaldhicii ee maanta lagu dilay degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho xili uu ku sii socday gurigiisa oo ku yaala xaafad ka mid ah degmada Kaaraan. Waxaa toogasho ku dilay koox wadatay gaari ka dib markii wada ay ugaleen Xildhibaanka iyo ilaaladiisa waxaana dilka ka hor dhax maray dagaal ilaalada Xildhibaanka dhinta […]

Published

on

Cismaan Cilmi Boqorre waxaa gabaldhicii ee maanta lagu dilay degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho xili uu ku sii socday gurigiisa oo ku yaala xaafad ka mid ah degmada Kaaraan.

Waxaa toogasho ku dilay koox wadatay gaari ka dib markii wada ay ugaleen Xildhibaanka iyo ilaaladiisa waxaana dilka ka hor dhax maray dagaal ilaalada Xildhibaanka dhinta iyo Kooxdan dishay Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre.

Rasaastii ugu horaysay oo la noosheegay in uu ka badbaaday Xildhibaanka ayaa waxaa dhaawac halis ah ka soo gaaray Rasaastii labaad oo kooxdaas la beegsanaysay Gaariga uu saarnaa Xildhibaanka waxaana dhaawaciisa loo soo qaaday mid ka mid ah xarumaha Caafimaadka ee ku yaala Magaalada Muqdisho oo markii dambe uu ku geeriyooday Allaha unaxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre sida aan ka soo xiganay qaar ka mid ah ilaaladiisii ee la socotay markii falkan foosha xun uu dhacayey.

Haddabada waa kuma Xildhibaanadan Cismaan Cilmi Boqorre.

Cismaan Cilmi Boqorre waxaa uu ku dhashay Gobolka Awdal ee Gobolada waqooyi qiyaastii 1939-kii,halkaas oo deegaan ahaan uu ka soo jeedo,wuxuuna Malcamadda Qur,aanka Kariimka ah uu ku bartay Degmada Boorama iyadoo dugsiga hoose,dhexe iyo sare uu ku qaatay isla Boorama.

Tusmotimes.com

Wixii intaas ka dambeeyey wuxuu ku biiray Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Ciidanka Milatariga Soomaaliya waxaa uu ka qayb qaatay dagaalkii ugu horeeyey ee dhax maray Soomaaliya iyo itoobiya sannadkii 1964 wuxuu ka mid ahaa askartii ku dhaawacmay dagaalkaas.

Waxaa kaloo uu ka mid ahaa Ciidamadii Soomaaliya ee dagaalka lagalay Ciidamadii itoobiya 1977dii dagaalkaas oo itoobiya lagu jabiyey xiligaas markale ayuu ku dhaawacmay Marxuum Cismaan Cilmi Boqore.

Cismaan Cilmi Boqorre darajada Ciidanimo wuxuu ka gaaray Corronel muddo dheer ayuu ka mid ahaa Ciidanka Xoogga dalka waxaana uu ka mid ahaa saraakiishii dalka dibadiisa wax ku soo bartay intii ay jirtay Dowladdii kacaanka ee uu hogaaminayey Jannaraal Maxamed Siyaad Barre.

Tusmotimes.com

Taariikh kale waxay sheegaysaa in Marxuum Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre  uu ku dhashay dalka DJbuuti halkaasna uu ka soo jeedo xiligii France-siiska uu gumaysanayey shacabka reer Jabuuti qoyskiisa ay ka soo eriyeen halkaas ka dibna ay usoo wareegeen Magaalada Muqdisho waxbarashadiisa aasaasiga ah ilaa Dugsiga sare uu ku qaatay Xamar isla markaana halkan uu ka qortay Ciidamada Soomaaliya sida aan ka soo xiganay Xildhibaan Saynab Maxamed Caamir oo ka tirsan Baarlamanka federaalka Soomaaliya muddo dheerna ay iskala tirsanaayeen Golaha shacabka.

Cismaan Cilmi Boqorre markii ay dhacday Dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa uu ku biiray Siyaasadda sannadkii 2000 kun Dowladdii KMG ee Madaxweynaha uu ka ahaa Corronel Cadullaahi Yuusuf Axmed waxaa uu ka ahaa Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarkanka waqtigaas ahaana Xildhibaan.

Cismaan Cilmi Boqorre Allaha unaxariistee intii Siyaasadda uu ku jiray wuxuu soo doortay Afar Madaxweyne oo kala ah.

1.Cabdullaahi Yuusuf Axmed sannadkii 2004tii.

2.Shariif Sheekh Axmed sannadkii 2009.

3.Xasan Sheekh Maxamuud Sannadkii 2012.

4.Maxamed Cabdulaahi Farmaajo sannadkii 2017dii.

Tusmotimes.com

Sannadkii 2016dii bishii December 27dii,waxaa loo doortay Xildhibaanka ugu da,da weynaa Golaha Baarlamanka iyo Gudoomiyaha KMG ah ee Baarlamanka labadiisa aqal.

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre waxaa uu ahaa Xildhibaan aan la gabanin aragtadiisa Siyaasadeed wuxuu ka jeedinjiray kal-fadiyada Baarlamanka ay yeeshaan.

Hadalkii ugu dambeeyey ee uu jeediyey wuxuu ahaa sannadkii hore ee 2018kii waxaa uu kaga hadlay amaanka Muqdisho wuxuu faray Xildhibaanada,wasiirada iyo Saraakiisha in cabsida iska daayaan oo ay degaan Degmooyinka Muqdisho ka dibna ay ka shaqeeyaan adkeynta amaanka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dabeecadahiisa.

Allaha unaxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre dadka ay isla soo shaqeeyeen waxay ku sifeeyeen in uu ahaa shaqsi naxariisbadan qunyar socod ah waligiis laga soo dacwoonin samirbadan Salaad iyo Soonka midna ka tegin.

Maxaa lagu xasuustaa

markii uu ahaa Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamankii KMG ayaa waxaa iscasilay Shariif Xasan sheekh aadan oo markaas ahaa Gudoomiyaha Baarlamanka isla maalmo ka dib waxaa xanuunsaday Gudoomiye ku xigeenkii Koobaad ee waqtigaas Prof Maxamed Cumar Dalxa waxaa Gudoomiye Baarlamaan oo KMG ah noqday Cismaan Cilmi Boqorre.

Waxaa kaalin weyn uu ku lahaa doorashadii Gudoomiyaha Baarlamanka KMG Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) waxaa kaloo kaalin mugleh uu ka ciyaaray doorashadii Madaxweynihii Dowladda KMG Shariif Sheekh Axmed 2009kii.

Cismaan Cilmi Boqorre waxaa uu ahaa Xildhibaankii ugu horeeyey ee lagu doortay Tuulada Carta ee dalka Jabuuti.

Hadda wuxuu ka mid ahaa Golaha Baarlamanka federaalka Soomaaliya wuxuuna ka tirsanaa Gudiga difaaca ee Baarlanka Soomaaliya iyo Xisbiga UPD ee Xasan Sheekh uu hogaamiyo.

Allaha unaxariistee Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqorre waxaa uu ifka kaga tagay xaas iyo Caruur farabadan oo iskuuga jira inta uu dhalay iyo wixii ay sii dhaleen.

Maanta oo Taariikhda Milaadiga ay ku beegan tahay 23-02-2019 waxaa lagu dilay hogiisa ee ku yaala degmada Kaaraan waxaana dilkiisa sheegtay Al shabaab.

Diyaariye Wariye Faarax ibraahim Yacquub,Tusmotimes xafiiska Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version